WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December 31, 2018 (Saxafi) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa sannadka 2018 ku sagootiyey wareegto Madaxweyne oo iskugu jirta magacaabis, xil ka-qaadis iyo isku bedel xubno ka tirsan saraakiisha xukuumaddiisa.

Masuuliyiinta la magacaabay

SomlegalAds

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

Wareegtada Madaxweynuhu soo saaray maanta oo ahayd maalintii ugu dambaysay sannadka sii dhammaanaya ee 2018, ayuu ku magacaabay afar masuul oo cusub, kuwaas oo kala ah Maxamed Cabdi Gurxan  oo uu u magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland; Maxamuud Raage Ibraahim oo uu u magacaabay Maareeyaha Madbacadda Qaranka Somaliland; Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo uu isna u magacaabay Badhasaabka Gobolka Sool, iyo Saleebaan Diiriye Cabdi (Joof) oo uu u magacaabay Badhasaab Ku-Xigeenka Gobolka Sool.

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Sannadka 2018 Ku Sagootiyey Wareegto Magacaabis, Xil-Ka-Qaadis Iyo Isku Bedel Iskugu Jirta
Maxamed Cabdi Gurxan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL

Maxamed Cabdi Gurxan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, ayaa muddo dheer ka mid ahaa saraakiisha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, isagoo ka soo qabtay xilalka Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda. Sidoo kale waxa uu muddo aad u dheer ahaa Maamulaha Kastamka Berbera, xilkaas oo laga qaaday kadib markii ay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi talada qabtay, iyadoo xilkaas uu ka qaaday wasiirkii hore ee Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi oo muddo ka yar laba bilood xilka wasiirka Horumarinta Maaliyadda laga bedelay.

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Sannadka 2018 Ku Sagootiyey Wareegto Magacaabis, Xil-Ka-Qaadis Iyo Isku Bedel Iskugu Jirta
Maxamuud Raage Ibraahim, Maareeyaha Madbacadda Qaranka JSL

Sidoo kale masuulka loo magacaabay Maareeyaha Madbacadda Qaranka, Maxamuud Raage Ibraahim, ayaa ah siyaasi xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumadihii tan hore ee Somaliland, isagoo mar ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, halka uu sidoo kale xisbiga mucaaridka ee Waddani ka soo qabtay xilka Xoghayaha Siyaasadda iyo xubin ka tirsan Golaha Dhexe ee xisbiga Waddani, labadaas xil oo uu iska casiley bishii December 2015.

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Sannadka 2018 Ku Sagootiyey Wareegto Magacaabis, Xil-Ka-Qaadis Iyo Isku Bedel Iskugu Jirta
Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, Guddoomiyaha Gobolka Sool ee JSL

Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, oo Madaxweynuhu u magacaabay Badhasaabka gobolka Sool, ayaa hore u soo noqday guddoomiye ku-xigeenka Dalladda Dhallinyarada Somaliland ee SONYO, halka uu wakhtigana ahaa Madaxa Baratakoolka Qasriga Madaxtooyadda Somaliland.

Masuulka Xilka laga bedelay

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Sannadka 2018 Ku Sagootiyey Wareegto Magacaabis, Xil-Ka-Qaadis Iyo Isku Bedel Iskugu Jirta
Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil (Musaabaqo), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda JSL

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil (Musaabaqo) oo hore u ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda u bedeshay inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda Somaliland.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Masuuliyiinta Xilka laga qaaday

Sidoo kale, wareegtadan waxa uu Madaxweynaha Somaliland xilkii kaga qaaday saddexda masuul ee kala ah Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Gargaar), Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sool, Ku-xigeenkiisii Maxamuud Axmed Maxamed Shiil iyo Siciid Saalax Shire oo ahaa Maareeyihii Madbacadda Qaranka Somaliland.

Wareegtada Madaxweynaha oo sumadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-248/122018, kuna taariikhaysnayd December 31, 2018, ayaa iyadoo dhamaystiran u dhignayd sidan:

“Madaxweyne Muuse Biixi Oo Laba Masuul Xilal U Magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-248/122018 uu Xilka qaadis, Magacaabid iyo Isku-beddel ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Sar

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Ku: Mudane Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Gargaar),

       Guddoomiyaha Gobolka Sool.

Ku: Maxamuud Axmed Maxamed Shiil,

       Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sool.

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL

Ku: Mudane Siciid Saalax Shire,

        Maareeyaha Madbacadda Qaranka

Og: Maareeye Ku-xigeenka Madbacadda Qaranka

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilkii aad hayseen ee Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sool iyo Maareeyaha Madbacadda Qaranka.

Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilka qaranka ee kala ah Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sool iyo Maareeyaha Madbacadda Qaranka.

Sidoo kale waxa aan farayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha in uu u kala wareejiyo xilalka masuuliyiintan heer Gobol iyo kuwa cusub, sida ugu dhakhsaha badan.

 

Magacaabid

Markaan Arkay:               Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

 

Markaan Arkay:               Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

 

Markaan ku Qancay:        In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

 

Markaan Sameeyey:         La-tashi;

 Waxaan Go’aamiyey;

  1. In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

 

Tir Magaca Xilka
1 Maxamed Cabdi Gurxan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda
2 Maxamuud Raage Ibraahim Maareeyaha Madbacadda Qaranka
3 Cabdiqani Maxamuud Jiidhe Guddoomiyaha Gobolka Sool
4 Saleebaan Diiriye Cabdi (Joof) Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sool

 

 2. In laga bilaabo taariikhda maanta aan mas’uulkan u beddelo xilkan:

 

Tir Magaca Xilka
1 Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.