“Markaanu Hindisaynay Barnaamijka waxaa fadhiyay miiska Switzerland, Sweden, Holland, France, UK, USA, Denmark, Finland iyo Norway, maantana waxa halkan fadhiyaa…..”
Hargeysa, Somaliland December 8, 2016 (Saxafi) – Wakiilka u qaabilsan hay’adda mucaawinooyinka iyo mashaariicda horumarinta dibadda ee dawlada Ingiriiska ee loo soo gaabiyo DFID, Angus Miller ayaa xukuumadda Somaliland uga digay dib u dhac ku yimaada doorashooyinka Madaxtooyada ee qorshaysan inay dalka ka dhacdo dabayaaqada bisha March ee sanadka cusub ee 2017.
Sidoo kale, Angus Miller wuxuu ka difaacay qaadhaan bixiyeyaaha eeddo loo soo jeediyey oo ahaa in aanay bixin dhaqaalaha iyo kharashaadka kala duwan ee ku baxa doorashooyinka, waxaanu u soo jeediyey masuuliyinta dowlada iyo sidoo kale asxaabta siyaasadda qaranka in dhaliilaha ay warbaahinta ka jeediyaan aanay ka been sheegin.
La-taliyaha arrimaha dowlada ee hay’adda DIFD Mr. Angus Miller oo lagu marti qaaday kulankii shalay ee SONSAF soo qabanqaabisay ee lagaga dooday arrimaha doorashooyinka had iyo jeer wakhtigooda dib uga ridda, ayaa sharaxay hawlaha ay u qabtaan wadamada qaadhaan bixiyeyaashu dalka Somaliland, waxaanu xusay in marka laga bilaabo sanadkii 2007/08dii oo ahayd wakhtigii diiwaangelinti ugu horaysey qabsoontay ay dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka kala duwan ay kordhiyeen, isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Aynu dib u eegno aftidii sanadkii 2001dii, waxa aad qabateen doorashoyinka madaxtooyada, baarlamaanka iyo golaha deegaanka oo ah wax cajiib ah. Doorasho kastana tirada dadka codeynaya ay badanayso, anigoo ogsoon tirada dadka is-diwaangeliyey ay iyaduna fiican tahay kana fican tahay dadkii codeeyey doorashooyinki golaha deegaanka, taas oo dhibteeda iyo caqabadeeda ay leedahay, anagoo gooni u turjuman karna. Diiwangelintii codbixiyeyaasha sanadkii 2008dii oo caqabadaheeda lahayd oo beesha caalamku ka caawisay asxaabta siyaasadda qaranka in ay ku heshiiyaan 6dii qodob sidii dib loogu celin lahaa hanaanka siyaasadeed, iyadoo dib u dhac ay jireen, laakinse dimoqraadiyada Somaliland way da’ yar tahay, sidaas awgeedna wakhti ayey arrimahani u baahan yihiin in laga midho dhaliyo. Wadamada qaadhaan-bixiyeyaasha oo kaalmooyin ka geystay hawlgalkii ugu horeeyey ee diwaangelinta codbixiyeyaasha sanadkii 2007/08di iyadoo ay barbar socoto taageerada kale, waxa xusid mudan in dhaqaalaha ku baxa doorashooyinka Somaliland ay mar walba siii kordhayso, hadaad tix-raacdid warbixintii ay qortay xarunta machadka daraasaadka ee Rift Valley institute oo daraasad ka samaysay dhaqaalaha ku baxa doorashooyinka Somaliland ayaa muujinaysa dhaqaalaha ku baxay qabashada doorasho ka qabsoonta Somaliland, anigoo jecel in aynu ka doodno kharash intee le’eg ayey xukuumadda Somaliland awoodi kartaa sidii hanaanka dimoqraadiyadda kor u qaado.
Waxa si gaar ah aan doonaya in aan u xuso in aan goob joog ka ahaa wakhtiga markii la hindisayey barnaamijkan, iyadoo wadamada qaadhaan-bixiyeyaasha ka qayb qaatay ama fadhiyey miiska ay ahaayeen Switzerland, Sweden, Holland, France, UK, USA, Denmark, Finland iyo Norway oo miisku wakhtigaas uu buuxay. Marka aad eegtid wakiilada wadamada qaadhaan-bixiyeyaasha kulankan maanta (shalay) goob joog ah, waxaa dhacday badhkii kale wadamada qaadhaan-bixiyeyaasha ay ka niyad jabeen.
Muhiimada koowaad ee aan doonayo in culayska la iska saaro ay tahay ilaalinta xogta macluumadka diiwaangelinta iyo cusbooneysiinta xogta sidii ay xil wayn iskaga saari lahaayeen anigoo xusaya qalabkii diiwaangelinta codbixiyeyaasha lagu diwaangeliyey oo casri ah, qodobka aan cadaadiska saari lahaa oo ah ilaalinta xogta dadka is-diiwaangeliyey mar labaad ilaalinteeda iyo tayeynteeda ay Somaliland iskeed u maamuli karto isla markaana ilaalinta macluumaadkaasi ka mid tahay barnaamijka isku wareegga doorasho ka hirgasho mustaqbalka Somaliland.”
Angus Miller waxa kale oo uu sheegay in beesha Caalamku aanay ku qancin asbaabihii ay dib ugu dhaceen doorashooyinkii Madaxtooyadda iyo Wakiiladda ee qorshaysnaa inay Somaliland ka dhacaan sanandkii 2015-kii, waxaanu yidhi: “Markii aanu hindisayney barnaamijkan waxa aanu ilowsanayn taarikhda Somaliland oo ah in ay hore dib ugu soo dhaceen doorashooyinku laga bilaabo sanadkii 2001 wakhtigii aftida. Markii doorashadii baarlamaanka iyo madaxtooyada ee dhici lahaa sanadkii 2015 dib u dhaceen beesha caalamku kumay qancin asbaabta ay dib ugu dhaceen., inkastoo aanu ka qayb galnay kuna qanacnay go’aankii maxkamadda sare ee dastuuriga ah, anagoo garowshanay in ay Somaliland sidan u dhaqanto iyadoo ay dheertahay go’aankii maxkamadda sare ee dastuuriga ah qodobadii ay akhriyeen.
Barnaamijkayagi aanu wadanay oo muddo 22 bilood dib u dhacay, waxa macnaheedu noqotay in uu gebi ahaan istaago oo xataa dhaqaalihii baxayey ay istaagaan, waxana barnaamijkayaga ka ka mid ahaa si aad u ogaataan bixintaanka mushaharaadka shaqaalaha komishanka, bixinta kharashaadka komishanka, diiwaangelinta codbixiyeyaasha, saadka, tababarada iyo khubadarada caalamiga ah. Doorashoyinku waa ganacsi qaali ah, waxana ay keentay dib u dhacaasi in dhaqaalihii aanu ku bixinay ama gelinay barnaamijkaas uu gebi ahaan baxo, sidaa daraadeed wadamada qaadhaan bixiyeyaasha ee soo hadhay UK, EU, USA iyo Denmark ay bixin doonaan kharashaadka dambe.
Waxana niyad jab nagu ah, marka aanu warbaahinta ku aragno maqaalo odhanaya in wadamada qaadhaan bixiyeyaashu aanay bixin kharashaadkoodii anagoo aminsan in aanu bixinay saamigayagii dhaqaale iyo dheeraad oo ay ka mid tahay wakhti xaadirkan daabacada kaadhadhka codbixiyeyaasha, waxana aan rajaynayaa doorka dambe ee aad ka hadashaan warbaahinta in si cadaaladaysan uga hadashaan arrimaha qaadhaan-bixiyeyaasha iyo hawlaha ay ka qabtaan Somaliland. Isla qodobka dhaqaalaha, waxa muhiim ah wadan kasta oo adduunka ka mid ah nidaamka dimoqraadiyadsa waxa masuul ka ah shacabka iyo xukuumadeeda wadankaas, waa in aad bixisaan dhaqaalaha ku baxaya dimoqraadiyadiina waana arrin miisaaniyadeed kharashaadka komishanka doorashooyinka ku baxaya.”