WorldRemitAds

Nairobi, Kenya, November 23, 2015 (Saxafi) – Magaaladda Nairobi ee dalka Kenya ayaa si weyn looga xusay baroor diiqna loogu sameeyey Marxuum Axmed Xasan Cawke, waxaana soo qaban qaabiyey Wariyeyaal caan ah oo ay hore uga wada shaqeeyeen Idaacaddaha Radio Muqdisho iyo BBC.

Ducadan ayaa waxaa ka qeyb galay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan, masuuliyiin ka tirsan Soomaaliya, Wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha ee Dowladii Kacaanka Maxamed Maxamuud Jaango’an iyo Madaxii hore ee BBC-da qaybteeda Afka-Soomaaliga, Maxamed Cabdullaahi, ganacsato, culimo iyo marti sharf kale.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in Marxuum Cawke uu ahaa qof ku weyn shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna uga tacsiyeeyay Eheladiisa iyo dhammaan Bulshada Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuumka.

SomlegalAds

Marxuum Axmed Xasan CawkeMaxamed Maxamuud Jaango’an iyo Cabdullaahi Xaaji Xasan Bushkin oo labadooduba xilal sare ka soo qabtay dawladii kacaanka, ayaa sheegay in howl-wanaagsan uu soo qabtay Marxuumku intii uu noolaa.

Dhanka kale Xuska oo ay qaban-qaabiyeen Wariyayaal ay hore u soo wada shaqeeyeen Marxuum Cawke oo ka ah:-

  1. Mohamed Abdullahi (Madixii hore ee Idaacadda BBC qeybteeda Afka Soomaaliga)
  2. Yaasiin Ciise Wardheere oo hore uga soo shaqeeyay Radio Muqdisho
  3. Cabdirisaaq Xaaji Catoosh oo ka tirsan Idaacadda BBC-da qeybta Afka-Soomaaliga
  4. Khadiija Mayoow Abuukar iyo
  5. Shukri Mohamed Afrah oo iyaguna hore uga soo shaqeeyay Radio Muqdisho, ayaa dhamaantood waxey ku tilmaameen Marxuumku inuu ahaa Waddani dhab ah.

Xuska, ayaa sidoo kale waxaa laga soo saaray talo soo jeedin ku aadan in Wariyaha loo dhiso Masaajid, Taalo, Iskuul ama Wado lagu magacaabo Ahmed Hassan Cawke si xasuustiisa ay u sii jirto. Iyadoo guddi ka kooban 10, Xubnood oo lagu dhisay Kulankaas loo xilsaaray iney isku soo duwaan waxyaabihii shirkaas ka soo baxay kaddibna ay u gudbiyaan Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay Kenya, si ay ugu sii gudbiso Dowlada Somalia Baaqa Wariyayaasha.                                                              

Alle ha u naxariistee Wariye Ahmed Hassan Cawke oo ka mid ahaa Wariyayaasha Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan, ayaa 17-kii bishan ku geeriyooday Magaalada Jigjiga ee caasimadad dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.