WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland November 23, 2015 (Saxafi) – La taliyaha arrimaha dibadda gudoomiyaha xisbiga Wadani Marwo Faadumo Siciid Ibraahin ayaa xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku eedeysey inay wadankii iibisay, isla markaana ay doonayso inay dekadda Berbera iibiso.

Marwo Faadumo Siciid oo shalay waraysi siisay Star TV ayaa sheegay in haddii dekadda Berbera la iibiyo ay Somaliland dhaqaale waayi doonto, isla markaana shaqaalaha dekada laga wadda eryi doonno.

Faadumo Siciid oo arrimahaasi ka hadlaysa waxay tidhi “Waad ogtihiin oo Laydhkii ayaa la wareejiyay (Hargeysa iyo Berbera) oo waxa la isku haystay goobtii wax akhriska ee Gandi Library, oo waxa la wareejiyay xaruntii waxbarashada haweenka ee Women’s club-kii, oo waxa kale oo la wareejiyay wax alaale wixii hanti dhul dawladdu lahayd. Waxa la bixiyay oo ilaa ehelkooda la siiyay guryihii dawladda oo imikana loo dhisayo, waxa la wareejiyay haamihii shiidaalka ee magaaladda Berbera, waxaynu ognahay in maantana xukuumaddu Dekeddii Berbera, warshaddi Sibidhkii iyo buurihii Gacan Libaax, buurta Daalo, buuraha Sheekh intiina imika wadaan wareejinteeda”

SomlegalAds

Marwo Faadumo SiciidMarwo Faadumo Siciid oo arrimaha dibada kala talisa guddoomiyaha xisbiga Waddani ayaa ku dooday in halkii 20 sanno ka hor Somaliland ka soo dhaqaaqday ay maanta dib ugu noqotay intii xukumadda Axmed Siilaanyo xilka haysay, waxana ay bulshadda Somaliland ugu baaqday inaan bulshada reer Berbera lagu eegin difaaca wareejinta dekeddaha iyo madaarka Berbera, balse bulshada Somaliland is waydiiso waxa u hadhay marka xarumaha dawladda ee muhiimka ah la wareejiyo. “Waxa aanu filaynaa sannadkani uu noqdo sannadka ugu dhimashada badan dhaxantaasi marka ay soo dhacdo  ay dadkaasi marka ay dhaxanta ay uu adkaysan kari waayaan oo ay wax ay dab u shidi waayaan ay wax ay cunan ay waayaan maydkoodu nagu badan doonaan. Nasiib daradda ku habsatay maanta Somaliland waa mid aanu ilaahay subxaana wa-tacaala aanu ka baryeyno in uu naga saaro, maanta dekadda Berbera waa furseddu way taagan tahay waana la iibineyaa hada la idinku yidhi lama wareejinayo, waa wixii weligeed ba aanu maqli jirnay, ee hadana lagu dhaqaaqi jirey. Reer Somaliland yaaney reer Berbera ku eegin wax ala ay qaban karayan ma jirto, laakinse Somaliland-ay is waydiiyeen? Dekaddiini maanta marka la wareejiyo ee lagu sii socdona madaradi la wareejiyo, Somaliland dadkeeda muwadininteeda dibad iyo gudoba joogta waxa weyaan in ay is-waydiyaan Somaliland maxa uu hadhay, marka waxa aan leeyahay dowlada Axmed Maxamed Maxamud Silaanyo way sii habinaysa sidii kalluunka loo xaluufin jirey, ayaa Somaliland loo xaalufinaya dibna uma soo noqoneyso haday sidaa ay ku sii socoto, wadankeeni maanta ayaynu u tagaanahay dadkeedi iyo mutaacaliminteedi aynu uu nahay maxaynu ka qaban weeyaan sidii aan loo wareejin dekadda oo aan la taaban oo runta aynu ka sheegno, reer Somaliland maanta hadaad sida ku eegtaan cid kale ha eersanina idinka uun is eersada” ayey hadalkeedda raacisay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.