WorldRemitAds

Gaalkacyo, Soomaaliya, November 23, 2015 (Saxafi)-Dagaal xoogan ayaa shalay iskaga hor yimaadeen Ciidamo kala taageersan maamuladda Puntland iyo Galmud kaas oo dhaliyey khasaare dhimasho iyo dhaawacba isugu jirta.

Ugu yaraan toddoba qof oo u badan labadii dhinac ee ay dagaalladu u dhexeeyeen ayaa ku dhintay, 43-kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaadhay dagaalka, waxaana ku jira dad shacab ah oo ay rasaastu ugu tagtay guryahooda.

Dagaalkan ayaa ka billowday muran ku saabsan waddo laami ah oo laga dhisayay Gaalkacyo, iyadoo maamullada Puntland iyo Galmudug uu dhinac walba kan kale ku eedeynayo in uu isagu dagaalka  billaabay.

SomlegalAds

Dhaawac_dagaalkii_Gaalkacyo_660Cusbitaallada Gaalkacyo ayaa la dhigay dhaawacyada dadkii ku dhaawacmay dagaalkan oo 43-qof ah; waxaana ku jiray shan qof  Dumar ah iyo shan carruur ah oo rayid ahaa, iyadoo 33-qof oo kalena ay ahaayeen rag intooda badan ahaa dhinacyadii uu dagaalku dhexmaray.

Sidoo kale, Duqa magaalada Gaalkacyo ee Puntland, Cabdicasiis Jaamac Nugaal oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalkan uu ka billowday weerar ay soo qaadeen ciidamada maamulka Galmudug, isagoo qiray in dagaalkan uu ka billowday waddo laami ah oo laga dhisayay Gaalkacyo. “Wuxuu dagaalku ka billowday waddo Puntland ay ka dhistay Gaalkacyo, taasoo ka mid ahayd mashaariic uu madaxweynaha Puntland ka waday magaalada, laakiin dagaal ayaa waxaa nagu soo qaaday ciidamada Galmudug, khasaare dhimasho iyo mid dhaawacba wuu ka dhashay, waxaana rasaastu guryahooda ugu tagtay dadka shacabka ah,” ayuu yidhi Duqa degmada Gaalkacyo ee Puntland.

Dhanka kale, Wasiirka Amniga Galmudug, Cismaan Ciise Nuur [Taar-dhuleed] oo isagana warbaahinta kula hadlayay isbitaalka degmada Gaalkacyo ayaa sheegay inay ka xun yihiin dagaalka shalay ka dhacay xarunta gobolka Mudug, wuxuuna ku tilmaamay dagaalka mid micno-darro ah.

“Waxaa dagaalka ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, dhaawacyada 43-qof oo isugu jira shacab iyo ciidammo ayaa la dhigay isbitaalka Gaalkacyo, waxaana ku jira shan haween ah iyo shan carruur ah. Inta kale oo 33-qof ahna waa rag, waxaa ka mid ah afar qof oo dhaawacyo culus qaba,” ayuu yidhi Wasiirka Amniga Galmudug.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa iyaguna warbaahinta u sheegay inay arkeen toddoba qof oo dhimasho ah, kuwaasoo dhammaantood ahaa ciidamadii dagaalku u dhexeeyay marka laga reebo qof rayid ah.

Ugu dambeyn, xaaladda degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa xasilloon, iyadoo ay ciidamadii dagaalamay ku kala sugan yihiin goobihii uu dagaalku ka billowday oo ah badhtamaha Gaalkacyo, waxaase laga baqdin qabaa inay dagaallo kale dhacaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.