WorldRemitAds

Muqdisho, Somalia June 25, 2018, (Saxafi) – Dawladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si weyn ugu faantay inay si buuxda ula wareegtay maamulkii hawada Somaliland iyo Soomaaliya.
Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka hadlayey kulan uu la qaatay dhalinyaro ka mid ah kuwa Muqdisho ayaa sheegay inay dawlada guul u tahay la wareegida maamulka hawada waxaanu yidhi “Waa inaan ku faraxnaa inaynu haysano maamulida hawadii oo aan kala qaybsanayn, waana inaan ku faraxnaa in dalku horumar gaadhay sidii loo doortay madaxweyne Farmaajo.”
Sidoo kale raysal wasaaraha Soomaaliya waxa uu sheegay inay ka hadheen caalamka waxaanu yidhi “Soddon sannadood ayeynu adduunyada ka hadhnay, dadka dhalinyarada ah ee Soomaaliyeed ee aanu rabno inaanu siino mustaqbal ka duwan kan hada waxay naga sugayaan shaqo ka badan inta aanu hayno.”
Sidoo kale raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa dhalinyarada u soo bandhigay sida loogu baahan yahay in qayb ka noqdaan horu marka dalka “Waa in hadafkiinu ahaadaa in garoon diyaaradeed oo ka weyn kan hada sidee loo helaa, jidadka garoonka diyaaradaha gala sidee loo dhisi karaa, Somali Airlines aduunyada la tartami karta sidee ayaa loo helaa, sharafta iyo karaamada umada Soomaaliyeed sidee ayaa loo adkayn karaa, waxaann idin leeyahay inta yar ee aad qabateen haydiin noqoto tusaale ah inta laydinka rabo inaad qabataan iyo inta aad qaban kartaan laakiin marna haku qancina inta yar ee aad gaadheen.”
Dhinaca kale, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo Muqdisho ka tagay ayaa shalay galab gaadhay magaalada Kigali ee caasimadda dalka Rwanda. Waxaana booqashadiisa lagu sheegay inay tahay hal maalin.
Waxaana la sheegay in qorshuhu yahay inuu Xasan Cali Khayre maanta la kulmo madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame ahna Gudoomiyaha Midawga Afrika, waxaana la filayaa inay ka wada hadlaan ciidamada AMISOM ee Joogga Somalia.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.