Hargeysa, Somaliland, December 12, 2016 (Saxafi)-Siidhadhka aan dabiiciga ahayn ee laga keeno waddamada dibadda ayaa waxay dhibaato ku hayaan tacabka beeraha.
Dhibaatooyinka siidhadhkani beeraha u gaystaan waxa ka mid in ay sababaan in ay ciidu noqoto mid aan nafaqo lahayn oo aanay si fiican wax uga bixi karin, meesha hal mar wax laga beero mar labaad waxba laguma beeri karo, dalagyada waxa ku dhasha cayaan iyo xannuuno ku dhasha dalaga oo u diida in uu si fiican u baxo.
Warbixin uu ka diyaariyey wariye Jamaal Cabdiraxmaan ayaa shaaca ka qaaday in siidhadhka loo qaybiyo Beeraha ay dhibaato badan kala kulmaan beeralaydu, kuwaas oo aan lahayn Faa’iiddo looga bartay siidhadhkii hore ee beeralaydu isticmaali jireen.
Dhibaatooyinkaas beeraleyda ka haysta siidhadhkaas dibadda laga keeno ma jirto cid ka soo baadha intaanay beeraleyda ka iibin sida uu noo sheegay Cabdilaahi Baaruud oo ka mid ah dadka beeraleyda ah ee ku nool degmada Agabar oo ka tirsan gobolka Maroodi-jeex.
“Siidhkaas aan dabiiciga ahayn waxa jira dhibaatooyin badan oo uu ku hayo beeraha waxaaana ka mida dhibaatooyin aan hore u jirin oo ay ka mid yihiin marka ay beertu midho yeelato waxa ku dhasha xannuuno, kuwaas oo sababa in goobta hal mar lagu beero aan illaa dhawr sannadood aan waxba laga beeran karin.” Sidaana waxa yidhi Cadilaahi oo ah beeraley ah.
Beeraleydu waxay sheegeen in haba yaraatee in aanay jirin cid ka baadha tayada siidhadhka ay beerahooda ku beertaan “Tayada siidhadhkaas cid beeraleyda ka hubisa in ay fiican yihiin iyo in kale ma jirto, hay’addaha qaar ayaa beeraleyda u qabta kulano, inta badana kulanadaasi maaha qaar ay wax ka soo baxaan.” Ayuu yidhi Cabdilaahi Baaruud.
Ganacsatada soo dajisa siidhadhku waxay sheegeen in aanay jirin cid ka baadha siidhadhka“Kolay ganacsatadu way ku kala duwan yihiin dalalka ay ka keenaan siidhadhka beeraha, se annagu siidhadhkan aanu dalka keeno cid hubisaa ma jirto, ee ganacsi ahaan uun baanu dalka u keenaa.” Sidaana waxa noo sheegay gudoomiyaha shirkada Kulmiye Seeds oo ka mid ah kuwa siidhadhka soo dajiya Maxamed Jaamac Cismaan.
Beeraleydu waxa kale oo ay noo sheegeen in ay jiraan wadano badan oo ay ganacsatadu ka keenaan siidhadhkaas aan tayada lahayn “Dalalka ugu badan ee aanu siidhadhkan ka keeno waxa ka mida Kiiniya, Yamen, Talyaaniga, Holand. Markaa dalalkaasaa ugu badan kuwa aanu ka soo dajino siidhadhka beeraha.” Sidaana waxa yidhi Maxamed Jaamac. Wasaaradda beeraha ayaa waxay sheegeen in aanay wasaaraddu beeraleyda u qaybin siidhadhkaas dhibaatooyinka u gaysta beeraha.
“Annagu wasasaarada ahaan waxaanu qaybinaa siidhadh dabiici ah oo aanu tayadooda hubinay, siidhadhka dabiiciga ah ee aanu qaybino waxa ka mida, Galeyda, Garowga, Digirta iyo dhammaan dalagyada cunto ahaanta loo adeegsado.” Sidaana waxa yidhi Maxamed Suudaani oo ah masuulka arrimaha siidhadhka u qaabilsan wasaaradda beeraha.
Arrintaa waxa xal u ah in dawladu keento shaybaadhyo lagu baadho tayada siidhadhka aan dabiiciga ahayn ganacsatadu dalka keenaan, si beeraleyda looga iibiyo siidhadh tayadooda la hubo oo aan wax dhibaato ah u gaysanayn wax soo saarka tacabka beeraha. Waana in ay beeraleydu ka fogaadaan adeegsiga siidhadhkan.
Sidaana waxa aamin san oo xal u arka Axmed Xaashi Suldaan oo ah khabiir mudo toban sanno ah ku soo dhex jiray arrimaha beeraha.