WorldRemitAds

Faallo: Maxamed Cumar Sheekh, Weriyaha Saxafi ee Boorama

Saddex ilaa afar maalmood ka hor ayaa magaalada Qulujeed lagu caleemo saaray wiil u dhalay taliyihii hore ee ciidamada Booliska Soomaaliland, derejooyin kala duwanna ka soo qabtay Booliska dalkii la odhan jiray Soomaaliya Marxuum Cimi Rooble Furre oo loo yaqaannay Cilmi Kabaal, isagoo marxuumkaasi aakhirataankiina ku dambeeyey Suldaan ka mid ah salaadiinta gobolka Awdal Xubin ka mid ah hogaamiye dhaqameedyada Gobolka Awdal.

Caleemo saarka Axmed Cilmi Kabaal loogu doortay inuu buuxiyo xilka Beesha Reer Dudub ee aabihii baneeyey ayaa ku soo beegmay saddex sano ku dhawaad ka dib markii isla deegaankaasi Qulujeed lagu caleemo saaray hogaamiye dhaqameedka falaagoobay ee Abiibakar Wabar kaas oo la ogyahay natiijada dagaallo uu ku talo galay inuu ku wax yeeleeyo qarannimada Soomaaliland tan iyo waagaana xidhiidhka ka dhexeeya beelaha kale Gobolka Awdal, kuwa Soomaaliland, xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo beelihii Wabar u doortay Suldaanka Guud waxaa uu u muuqday mid galay marxalad adag tan iyo wakhtigaana beelaha deegaanka Qulujeed iyo Boorama waxaa la soo dersay dib u dhacyo siyaasadeed, tafaraaruq iyo Somalilandiidnimo aan hore loo arag oo ay kaga baxeen saaxadda Siyaasadda Somaliland.

In kastoo wakhtigii Wabar u guud ahaanba beelaha deegaanka Boorama sii hogaamin lahaa soo gaabanayo ayaa dhinaca kale waxa sii xoogeysanaya doorashada hogaamiye dhaqameedyo kalle oo ay kaga maarmaan Suldaanimadda Wabar, kuwaasoo uu ugu dambeeyay Suldaan Axmed Cimi Kabaal.

SomlegalAds

Su’aasha meesha taal ayaa ah sidee Suldaanka cusub ee Beelaha deegaanka Qulujeed uu meesha uga saari karaa ama door uga qaadan karaa dareennada ka dhanka ah jiritaanka Somaliland, xiqdiga iyo qolo nacaybka dhallinyarada gobolka Awdal ama Boorama ku sii xoogeystay Caleemosaarkii Wabar kaddib, tafaraaruqa iyo dib u dhaca siyaasadeed ee beelaha deegaanka Boorama iyo Qulujeed ka dhaxleen guuldaradii kala soo deristay xisbul xaakimkii UDUB meeshana ka saartay hogaamintii dalka eeDaahir Rayaale iyo beelahaasi.

Markaan is barbar dhigno jawiga siyaasadeed ee ay ku soo kala barbaareen labadan hogaamiye dhaqameed ee isku deegaanka ahaa, ayaa cid kastaa iska ogeyd in Wabar dalka ka baxay isagoo ciil u qaba xoogaggii SNM ee Boorama soo galay 1991kii, Booramana uu ka cararay, dalkana kusoo noqday maalintii Qulujeed lagu caleemo saarayey, waxaana aan ka ogeyn in beelaha Somaliland iska cafiyeen xumaantii iyo dagaaladii soo kala dhex galay sideetamaqadkii, balse Abiibakar Wabarna uu ilaa waagaa usoo xamaan urusanayey sidii uu mar uun uga aargoosan lahaa SNM, isagoo weli aamnisan in SNM dalka xukunto, balse aan ogey inay waa hore iska wareejisay xukunka dalka, waxaana taa u dheeraa guubaabada qurba joogga eer Awdal Wabar ku soo badhi itaaliyeen dhaqaale iyo siyaasado Soomaaliweyn ah oo Wabar SNM kaga xoreeyo dalka, isla markaana cadaawad ka dhan ah Somaliland ku beeraan dhallinyarada gobolka ama Boorama.

Haddaan eegno jawiga siyaasadeed ee uu ku soo barbaaray Suldaanka cusub ee reer Qulujeedna waxaa tusaale loogu soo qaadan karaa aabihii, cid kastaana ogtahay doorkii uu ka soo qaatay dhismaha iyo aasaaska dawladnimada Somaliland, maalin keli ahna aanu ku fikrin cadaawad uu kula kaco dalka iyo dadweynaha gobolada kale ee dalka,, sidaa darteedna aanu suldaan Axmed Cilmi Kabaal, cidna u haynin cadaawad siyaasadeed iyo mid beeleed, aadna loogu rajo weynyahay inuu haatan isku soo dhaweeyo reer Somaliland iyo shacbiga doortay, kuna dedaali doono inuu maskaxda dhallinyarada ka saaro cadaawadda beelaha kale ee Somaliland iyo dawladnimadeeda.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.