WorldRemitAds
Berbera, Somaliland, December 18, 2015 (Saxafi) – Alle ha naxariiste Taliyihii ciidamadda Birmadka Aadan Guuleed Daahir (Talaabo), ayaa askari ka tirsan ciidankiisu rasaas ku furey shalay, taas oo markiiba u u geeriyooday.

Ciidamada Booliska ayaa markiiba gacanta ku dhigay askarigii dilka loo haystay oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Khayre oo ka mid ahaa ciidanka Birmadka ee saldhigga dhexe ee magaaladda Berbera, waxaana la sheegay in askariga dilka loo haystaa uu habeenimadii u lahaa heeganka, isla markaana ay socotay xil wareejin loo samaynayey taliyihii hore ee qaybta gobolka Saaxil iyo mid cusub oo loo soo bedelay.
Taliyihii BirmadkaLama garanayo sababta askarigani u toogtay taliyihiisa, haseyeeshee ciidankaasi ayaa markiiba ku guulaystay inay gacanta ku dhigaan ninkan dilka geystay, iyadoo lagu xidhay saldhiga dhexe ee Berbera, iyadoo markiibana Taliyaha loola cararay Cisbitaalka Berbera.
Dhinaca kale, dadweyne ka cadhaysan falkaasi dhacay ayaa iskugu soo baxay saldhiga hortiisa, isla markaana ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah dilka taliyaha, kuwaas oo ka xumaaday in askari iska toogto nin taliye ah.
Alle haw naxariisto Marxuum Talaabo, maaha taliyihii u horeeyay ee ay askarta ciidamada Somaliland dilaan, waxaana muddooyinkan dambe la arkayay askar taliyeyaashooda tooganaya.

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

SomlegalAds

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u  dirayaa Saraakiisha, Saraakiil ku xigeenka, Ciidamada Booliska iyo masuuliyiinta kala duwan ee Ciidamada Qaranka Somaliland, isagoo ka tacsiyadaynaaya geerida Taliyihii Ciidanka Birmadka Gobolka Saaxiil Marxuum Aadan Guuleed Daahir (Talaabo) oo 17-12-2015 uu Askari ka tirsan Ciidanka Boolisku ku diley Magaalada Berbera.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay marxuumku.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu alle uga baryayaa marxuumka inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo shacabka iyo Ciidamada Qarankana  samir iyo iimaan ka siiyo marxuumka.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.