WorldRemitAds

Qormadeenan maanta waxa aynu ku soo qaadan doona, toban ka mid ah hogaamiyayaasha caalamka oo noqday kuwa ugu cimriga dheer uguna da’da wayn, madaxda dunida, kuwaas oo isugu jira, boqoro, Raysal wasaarayaal, Madaxweynayaal iyo hogaamiyayaal diimeed intaba.

Liiskan tobanka hogaamiye ee ugu da’da wayn aduunka oo ay hore u haysatay boqorada dalka Ingiriiska Elizabeth II, waxa Maalmo yar ka hor kala wareegay raysal wasaaraha cusub ee dalka Malaysia Mahathir Mohamed oo labo kaclayn uu sameeyay ka dib mar kale ku guulaystay xukunka dalkiisa.

SomlegalAds

Hogaamiyayaashan ayaa intooda badan da’doosu kor u dhaaftay siddeetanka, waxaana ku jira qaar intii ay jireen ama noloshooda badankeeda ku qaatay xukunka oo kursiga ku fadhiyay iyo kuwo muddada ay xilka hayeen aad u dheer tahay, laakiin kuligood ka wada siman inay da’doodu wayn tahay.

Mahathir Mohamed waa qofka ugu wayn hogaamiyayaasha adduunka oo dhan, waxaanu baro dhaafiyay boqorada Ingiriiska oo iyadu kaalinta koowaad kaga jirtay, Mahathir Mohamed oo maalmo yar ka hor ku guulaystay raysal wasaaraha Malaysia, waxa uu bisha Jun ee sanadkan 2018-ka haddii uu gaadho noqon doona 93-jir.

Boqorada Ingiriiska Elizabeth II, waa qofka labaad ee ugu da’da wayn dhamaan hogaamiyayaasha aduunka oo dhan, waxaanay bishii hore ee April u dabaal degtay 92-guurada dhalashadeeda, haweenaydan boqorada Ingiriiska ayaa lix iyo lixdan sano oo ka mid ah nolosheeda, boqorad ka ahayd midowga boqortooyada United Kingdom loo yaqaano.

Boqoada Ingiriisku waxa ay jabisay rikoodhkii boqortooyada Ingiriiska ee dhinaca xukunka oo waxay labo sano ka hor noqotay qofkii ugu xukunka dheeraa, guud ahaan boqoradii kala duwanaa ee soo maray dalka Ingiiriksa.

Madaxweynaha dalka Tuuniisiya Beji Caid Essebsi ayaa kaalinta labaad ee hogaamiyayaasha ugu da’da wayn dunida ku jiray, waxaanu imika galay kaalinta sadexaad oo uu dib ugu noqday, Madaxweynaha Tuunisiya ayaa da’diisu tahay 91-jir, waana qofka sadexaad ee hogaamiyaasha ugu da’da wayn aduunka.

Madaxweyne Sharafeedka dalka Koonfurta Kuuriya Kim Yuan-nam ayaa sida wakaalada wararka Reuters ku warantay kaalinta afraad kaga jira madaxda ugu cimriga dheer dunida, hogaamiyahan ka afraad ka noqonaya madaxda gabowday ee aduunku ayaa dhawaan uun sagaashan jirsaday.

Boqorka dalka Kuwait, Sheekh Axmed Jabir Al Sabax waa qofka shanaad ee hogaamiyayaasha aduunka ugu da’da wayn, waxaanay da’diisu tahay 89-jir, waa boqorkii shanaad ee dalka Kuwait waxaanu xukunka qabtay sanadkii 2006-dii.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Cameron Paul Biya waa qofka shanaad ee hogaamiyayaasha ugu da’da wayn adduunka, waa 88-jir, ka mid noqonaya madaxda ugu xukunka dheer dunida, Paul Biya waxa uu si rasmi ah madaxweyne dalkiisa uga noqday sanadkii 1982-kii, waxaanu ka hor dalkiisa ka noqday raysal wasaare, taas oo marka la isku geeyo noqonaysa (42-Sanadood Iyo 314 oo maalmood, Marka lagu daro sabtidii shalay ee 12 May 2018).

Madaxweynaha Kuba Raul Castro oo kursiga madaxtinimada dalkiisa ka dhaxlay walaalkii Fidel Castro waa, qofka lixaad waana 86-jir, waxaanu talada dalkiisa hayay tan iyo sanadkii 2006-kii ama todoba iyo toban sanadood.

Boqorka dalka Japan Akihito, waa qofka todobaad ee boqorada iyo madaxda aduunka ugu da’da wayn, waa afar iyo sideetan jir, waana boqorkii 125aad ee dalkiisa, laakiin waa kursi sharafeed aan wax saamayn ah ku yeelan talada iyo habsami u socodka maamulka dawladnimo ee dalkiisa, waxa taajka boqornimada loo cumaamaday sanadkii 1989-kii, oo waxa kale oo uu ka mid yahay madaxda ugu muddo xileedka dheer aduunka.

Madaxweynaha dalka Lubnaan Michel Aoun, waa 82-jir, hore uga mid ahaan jiray hogaamiyaayashii kooxihii ku dagaalami jiray dalka Lubnaan, waxaanu madaxweynaha dalkiisa noqday bishii October 2016-kii, ka dib markii barlamaanka dalkiisu si rasmi ah ugu doorteen xilka, waxa uu ku jiraa kaalinta sideedaad, waxaana isla kaalintan kula jira boqorka dalka Sucuudi Arabiya Salman Bin Abdi Aziz, oo isna dhawr bilood uun ka yar laakiin da’ ahaan 82-jir ah.

Baadariga ugu sareeya diinta Kiristaanka Pop Franciso ayaa isna noqonaya qofka tobnaad ama ugu hooseeya liiska, hogaamiyayaasha ugu da’da dheer aduunka, waa 80-jir muddo kooban xilka hayay laakiin dhinaca cimriga ku galay liiska madaxda ugu waaweyn aduunyada.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.