Hargaysa, Somaliland, August 01, 2016, (Saxafi) – Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay warar laga baahiyay oo sheegay in Wasiirka wasaaraddaas Cali Maxamed Warancadde hub xasaystay.
Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Jamaal Cabdi Muxumed oo warsaxaafadeed uu soo saaray kaga hadlay Wararkaasi ay warbaahintu faafisay ayaa ku dooday inaan haba yaraatee wax ka jiraa aanay jirin. Waxaana hadaladiisii kamid ahaa:-“Waxaan halkan ku beeninayaa warar ilaa xalayba warbaahinta qaarkeed qorayeen kuwaasoo ah boro bogaando iyo been abuur aanay waxba ka jirin oo sheegaya in wasiir Cali Warancade Hub ka qaatay xerada Ciidamada Bada Somaliland. Anoo Ku Hadlaya Magacayga Iyo Afka Wasaarada Waxaan Halkan Bulshada Uga Cadaynayaa in Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancade uu yahay masuul qaran jecelna dalkiisa iyo dadkiisa oo bilaa godoba ciidamada kala duwan ee dalkana waxaan hubaa inuu wax uu taro mooyee aanuu hunguraynayn inuu damac ka gallo.” Ayuu yidhi waxaana uu intaas ku daray fariin hanjabaad ah oo u uu u dhigay sidan. “Waxaan halkan uga digayaa warbahin badan oo caadaysatay wararka been abuuka iyo borobogaandada ah ee sida ka baxsan xeerarka warbaahinta iyo shuruucda caalamida ah u adeegsada mihnada warbaahinta isla markaana aan wasaradu kaga hadhi doonin wararka been abuurka iyo magac dilka ah ee ay baahiyaan”