WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 22, 2015 (Saxafi) – Wasiirkii hore ee Kalluumaysiga Somaliland Dr. Maxamed Yaasiin Xasan oo muddooyinkii dambe ku maqnaa dalka dibaddiisa, ayaa si adag uga hadlay dhibbaatada qabyaalada iyo sida oo kale saamaynta xooggan ee ay ku yeelan karto koritaanka iyo sida oo kale jiritaanka dal-ba, waxaana uu carabka ku adkeeyey in qaraabo kiilku uu yahay cudur aad u weyn oo dilla dawlad wanaaga iyo sida oo kale horumarka umaddeedba.

Dr.Maxamed Yaasiin Xasan, ayaa hadalkan ku sheegay qoraal kooban oo uu shalay soo dhigay bartiisa Face-buuga, waxaana uu si adag u tilmaamay in dadka qabyaaladda adeegsadaa ay yihiin kuwo aan naftooda ku kalsoonayn in ay si shakhsiyan ah u horumariyaan, isaga oo sida oo kalena xukuumadda Siilaanyo iyo xisbiga Kulmiyena ku eedeeyey in muddadii shanta sanno iyo dheeraadka ahayd ee ay jirtay ay si xoogga ugu dhaqmeen adeegsiga qabyaaladda, waxaana uu farta ku fiiqay in safiirka Somaliland u fadhiya dawladda Immaataadka Carabta yahay nin jagaddaas ku helay qaab qabyaalad ah sida oo kalena hantiddii umadda ku lunsanaya magaca Somaliland.

wasiirkii hore ee kaluumaysigaWasiirkii hore ee Kalluumaysiga oo aanu qoraalkiisan ka soo xigganay boggiisa Facebuuga-ga, ayaa waxaa uu u dhignaa sida tan: Nepotism (Qaraabo Kiil), Waa Cudurka Dilla Dawlad Wannaaga

SomlegalAds

“Qofku waxa aanu aqoon ee aanu karti, waayo aragnimo iyo xaq mid-na u lahayn oo aad qaraabo-nimo ku siiso waxa la yidhaahdaa Qaraabo kiil (Nepotism).

Waxa si aad ah u isticmaala siyaasiyiinta aan isku kalsonayn iyo ganacsatada bakhayliinta ah ee aan dadka aan xigin horumarka la jeclayn, waana cudur bulshada iyo dadka ku dhaqma kala dila, wadamada soo korayana dhibbaato xoog leh ayey ku haysaa.

Somaliland Qabyaaladda iyo Qaraabo kiil ku dhaawac dhiig bax ah ayay ku hayaan, cadaaladdii iyo sinaantii wadankana dhibaato wayn ayay ku hayaan, waxa ugu danbeeyay Qaraabo kiil aynu aragno, oo wax lala yaabo ahayd, Liiskii uu soo xulay Muse Biixi ee golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, kaas oo lagu daray marwaddii Madaxwaynaha iyo inanka uu Soddoga u yahay iyo xigtadoodii oo aynu qof qof u naqaano.

Waxa iyana ka horaysay madaxwaynaha oo inankaa ku magacaabay safiir aan Safaarad lahayn, magacaa safiirnimo-na hanti badan illaa maanta lagu lunsanayo, waa qaraabo kiilkii oo aan Biyo ismarin”. Ayuu ku yidhi qoraalkiisa Dr.Maxamed Yaasiin Xasan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.