Hargeysa, Somaliland, May 22, 2019,(Saxafi) – Waxa Hadal Ugu Horeysay Hargeysa – Waxay ahayd sannadkii 1964-kii markii xabadi lug iyo gacan ka jebisay dable Maxamed Uways, oo ka mid ahaa ciidankii la odhan jirey xoogga Dalka isaga oo ku jira dagaal ku dhexmaray Somalia iyo Itoobiya Tog-Wajaale ee xadka u dhaxeeya Somaliland iyo Ethiopia.
Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka
Waxa markaasi iska barbar dagaalamayeen Allaha u naxariistee askari tirsan ciidanka xoogga dalka oo isagana magaciisa la odhan jirey Xalane isla goobtaasina ku geeriyooday, markii dambena meelo badan oo ka mid ah dalkii Soomaaliyeed loogu magac daray aadna loo weyneeyey xuskiisa, isla markaana ay magaciisa wada maqleen inta badan bulshada Soomaaliyeed ee da’doodu ka weyn tahay 40 jirka. Dhaawaca soo gaadhay Uways inkasta oo uu fududaa, haddana waxa ku dhacay dhiig bax, dhaawaca badan ee goobta yaalay iyo dhiig baxa ku dhacay oo keenay in aanu samaynin wax dhaqdhaqaaq ah, waxa loogag tegay mayd ahaan tegay goobtii dagaalka, balse nin oday ah oo reer miyi ah oo magaciisa la yidhaahdo Cumar Dheere ayaa goor fiid cawl ah awr safar ah soo mariyay halkii dagaalku ka dhacay oo ay labada ciidan isku horfadhiyaan. Ka dibna waxa qabtay ciidankii Itoobiya, waxaanu u sheegay inuu isagu yahay nin reer miyi ah, isla markaana aanu wax dagaal ah ku jirin, balse uu hadhuudh ka soo qaatay magaalada Kalabaydh oo ay ku taalay beer kale oo uu lahaa. Markii ay ciidanka Itoobiya baadhistii ka dhamaysteen ayay u celiyaan dhinaca xadka ee ay Soomaalidu ka xigta ee gudaha Somaliland. Intii uu dhexda soo socday inta u dhaxaysa labada ciidan wuxuu kula kulmay abaaro xiliga cisahaa’iga Mr. Uways oo ku dhex jira dhawr qof oo mayd ah, isla markaana dhaqdhaqaaq samaynaya. Oday Cumar Dheere intuu xaggiisa dambe eegay uu ee iska hubsaday in la soo eegayo amaba ay cidi daba socoto ayuu si degan awrkiisa u fadhiisiyay, ka dibna Uways ayuu ku dhawaaday, waxaanu u gartay inuu yahay askari Soomaali ah oo dhaawac ah.
Markii xaqiiqsaday inuu nool yahay ayuu awrkiisa ku raray, waxaanu u sii socday dhinicii loo soo jeediyay. Balse khashaafad weyn oo ay isticmaalayeen ciidanka Itoobiya ayay ku arkeen awrka la fadhiisiyay ee haddana kacay ka dibna rasaas ayay oodda kaga soo qaadeen. Awrkii ayaa diday, isla markaana oday Cumar xajin kari waayay. Oday Cumar awrkii wuu xejin kari waayay, isla markaana wuu jiidhay oo lug ayuu ka jebiyay. Odaygii halkii ayuu ku hadhay, waxaanu gurguurad ugu tegay ciidankii Soomaalida awrkiina didmadii wuxuu ku tegay Tuuladda Durya Dheer oo ahayd halkii uu odaygu deganaa. Sheekadii ayuu u sheegay ciidankii Soomaalida, halkii baanay ku hayeen, waanay kabeen, balse maxbuus ahaan ayay u hayeen muddo ku dhaw todoba maalmood. Nasiib wanaag reerkii Oday Cumar Dheere waxay garteen markii awrku u tegay habeen badh in awrku soo diday, isla markaana odaygii lahaa uu isku dayay inuu ninkani Uways ee awrka ku raran qaad ay cadaw arkeen lagana yaabo inay rasaas ku fureen oo uu dhintay amaba ay maxbuus ahaan u qabteen. Reerkii Oday Cumar Dheere waxa joogay oday weyn oo da’ ah oo xilliyo hore soo gaadhay, isla markaana yaqaanay sida dhaqanka wax loogu daaweeyo, ayaa markiiba gartay in ninkani dhiig bax badani ku dhacay, ayaa jalay Uways, isla markaana kabay gacantii iyo Lugtiiba. Lix saacadood ka dib ayuu ninkii Uways ka soo noqday miyir la’aantii isaga oo ku dhawaaqaya heestii Cabdi Kaamil Cawaale allaha u naxariistee ee ahayd “Calankayga Nuuroow haddii aanan soo noqon allahayow ku nabadgeli” hase yeeshee markiiba afka ayaa la qabtay oo waxa lagu yidhi waar hoos u hadal, dhaawac ayaad tahay cadawga dhexdiisana waad joogtaay’e. intuu aamusay ee uu dadka eegeegay, isla markaana jidhkiisa eegay ayuu yidhi “Abooweyaal miyaydaan Soomaali ahayn, waa maxay cadawga aad ka hadlaysaan” waxa lagu yidhi “Halkani waxa la yidhaahdaa Durya, adiga oo dhaawac ah oo awr saaran ayuu awrkii kula soo baxsaday ninkii awrka lahaa ee laga yaabo inuu ku saarayna la garan maayo meel uu jaan iyo cidhib dhigay, adna sidaasi ayaad halkani ku timid, waxaana laga yaabaa inaad Tog-Wajaale ku dhaawacantay oo shalay dagaal ka dhacay” ka dibna waxa uu weydiiyay dadkii la joogay halkani magaceed waxa lagu yidhi “Waa Durya Dheer” Waxaanu yidhi, “Durya Dheer allaw ka dhig halka hanad ka duulo, hoyga Guusha”. Dhawr maalmood markii uu halkii joogay ayaa loo tukubiyay halkii ugu dhaweyd ciidan Soomaaliyeed oo ahayd Geed-Balaadh. Markii uu halkii tegay ayaa looga soo gudbiyay Tog-wajaale oo taliskiisii ahaa, halkaasi oo uu ugu tegay Oday Cumar Dheere oo isna lug ka jaban, loona haysto askari dhaawac Soomaaliyeed ah oo isagu sheegay inuu doonayay inuu awrkiisa soo saaro, balse awrkii ka diday. Nasiib wanaag markii uu Uways tegay ayuu qisadiisii ka waramay, halkiina ay isku barteen oday Cumar. Ka dibna odaygii la sii daayay reerkiisiina la geeyay. Uwaysna dhaawac ahaan loogu qaaday Muqdisho iyo deegaankii uu ka yimid ee Somalia. Uways oo maanka ku haya sidii wanaagsanayd ee uu u soo nabadgalay, ayaa dalacay, isla markaana la siiyay laba xidigood, wuxuuna ka mid noqday ciidankii Soomaaliyeed ka hawlgalay Tog-Wajaale sannadkii 1977-kii. Balse magaalada Harar ayaa haddana dib ay maxbuus ahaan Itoobiya ugu qabatay.