WorldRemitAds
Boorama, Somaliland, February 12, 2016 (Saxafi) – Xukuumadda iyo xisbiyada qaranka Somaliland ayaa xarunta Jaamacadda Cammuud ee magaalada Boorama kaga wada qayb-galay munaasabad lagu shaacbiyay bilowga diiwaangelita Gobolka Awdal oo loo ballansanyahay Sabtida.

Xafladdan oo ay ahayd mid aad loo soo abaabulay islamarkaana Masuuliyiinta ugu sarreysa xukuumadda iyo xisbiyada qaranka ee kala ah Kulmiye, Ucid iyo Waddani, kuwaas oo ka jeediyey khudbado dardaaran iyo siyaasadba isugu jiray, waxaana soo xidhay Madaxweyne ku xigeenka dalka Cabdiraxmaan Saylici.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa isagu khudbadiisa ku soo qaatay ujeedada laga leeyahay diiwaangelinta iyo sida muwaadin kasta oo gobolka ku nool looga baahanyahay inuu is diiwaangeliyo. Waxa kale oo uu Madaxweyne ku xigeenku soo qaatay baahida taalla gobolka iyo abaaraha saameeyey dadweynaha iyo sida loogu baahanyahay gargaar xukuumadda, hay’adaha iyo baayacmuhstraku iska kaashadaan.
Guddoomiyaha xisbiga KuLmIY Muuse biixi ayaa isagu khudbad u halkaa ka jeediyey kaga hadlay xusuustiisii dhinaca waxbarashada ee Dugsiga sare ee Cammuud, taasoo u kusoo qaatay siyaasiyiintii, ardaydii, shaqaalihii, masuulyiintii waagaasi, isagoo dhinaca kalena guddoomiye Muuse Biixi khudbadiisa kaga hadlay faragelinta soomaaliya iyo hay’adaha caalamka qaarkood ku hayaan dawladnimada Soomaaliland, soomaaliya iyo ururadaasi kalena u sheegay inay dadweynaha soomaaliland dhisteen dalkooda iyo dawladnimadooda sidaa darteedna hadii anay soomaaliland aqoonsanayn ka daayaan hagardaamada.
Guddoomiyaha xisbiga Waddani, C/raxmaan maxamed C/laahi oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa kudbadiisa kusoo qaatay danaha reer soomaaliland ugu jira diiwaangelinta, isagoo dhinaca kalena komishanka doorashooyinka qaranka iyo hay’adaha taakuleeyaba kula dardaarmay inay soo dhammnaystiraan hawlaha ka dhiman ee laga sugayo.
G/xigeenka labaad ee xisbiga UCID, muj. Cali Guray oo isna munaasdabadda daahfurka ka hadlay ayaa si kulul uga hadlay waxa uu ugu yeedhay ” lixda goobood ee deldelan” ee an hore looga codeyn jirin ama la iskaga diiweaangelin jirin, isagoo xukuumadda iyo cid kastoo goobahaasi ku shaqo lehna ugu baaqay inay degdeg xal uga gaadhaan si dadka degaankaasi codkooda iyo diiwaangelintoodaba uga dhiibtaan.
Munaasabaddan oo ahayd mid masuulyiinta xisbiyada mucaaradka iyo muxaafidkuba cuddooda soo duldhigeen lagasoo jeediye, siiba xisbiga KuLMIYE iyo Waddani ayaa lagasoo khudbado isugu jiray dardaaran iyo wacyyigelin ku saabsan diiwaangelinta, amniga, duruufaha nololeed ee ka jira dalka iyo gobolkaba ayaa waxa kale oo ka halday guddoomiyaha komishanka doorashooyinka, badhasaabka gobolka, odaydhaqameedyo, iyo martisharaf kaleba.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.