WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 10, 2018 (Saxafi) – Xukuumadda Somaliland ayaa warbaahinta ka hawl-gasha Somaliland uga digtay inay faafiyaan warar aan rasmi ahayn, isla markaana aan ka soo bixin guddida nabadeynta ay u xilsaartay colaadda u dhaxaysa labada beelood ee deegaanka Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.

Sidaa waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, kaas oo sidoo kalena warbaahinta loogaga digay inay faafiyaan sirta iyo hawl-galada ciidamada kala duwan, iyadoo aanay fasax uga helin talisyada ciidamada kala duwan ee Somaliland.

SomlegalAds

War-saxaafadeedka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo dhamaystiran ayaa wuxuu u qornaa sidan:

“War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa uga digaysa warbaahinta ka hawlgasha Somaliland inay warar aan ka soo bixin guddida nabadeynta ee Ceel-afweyn laga baahiyo qaybaha kala duwan ee warbaahinta.

Sida ay ina farayso diinteenna suuban iyo xeerka saxaafadduba waa mid waajib ku ah qof kasta oo hawl saxaafadeed gacanta ku haya ama muwaadin ah inuu ka taxadaro, kana fogaado wax kasta oo waxyeelayn kara hawsha nabad raadinta ee ergaddu u fadhido, Waxaana mamnuuc ah wax kasta oo carqaladeyn kara nabadda, Siday faafisay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku caano-maashay oo  lagu majeertaa siday dhidibada adag ugu taagtay in bulshada reer Somaliland iyo kuwa deriskuba nabad ku wada noolaadaan, waayo iyadaa fure u ah horumar kasta oo bulshooyinka caalamku gaadhaan.

Sidoo  kale,  waxaanu saxaafadda madaxa-bannaan ku amaanaynaa doorarkii shariifka ahaa ee ay ka soo qaateen nabadeyntii iyo dib u heshiisiintii beelaha Somaliland iyo kaalintii ay ku lahaayeen dib u dhiska qaranimada JSL,maantana waxa looga fadhiyaa inay ka qaataan arrinta nabadeynta ee Ceel-afweyn qeyb libaax,si deegaankaas  ergadu ka hirgeliso nabad waarta.

Geesta kale siraha ciidammadu waxay ka mid yihiin waxyaabaha ka reeban saxaafaddu inay wax ka qorto ama ka tebiso fasax la’aan, waana mid ay ka siman yihiin warbaahinta dunidda oo dhan, waayo waxay  xeeriyaan shuruucda iyo anshaxa saxaafadda, waxayna iska ilaaliyaan   wax kasta oo la xidhiidha hawlaha ciidammada, waxaanay   baahiyaan kaliya wixii warar ah ee ka soo baxa talisyadooda.

Sidaas awgeed, waxaanu ku wargelinaynaa, kuna adkaynaynaa saxaafadda ka hawlgasha JSL inay ka waantoobaan  wax ka sheegga  hawlaha ciidammada siiba xaaladda dagaal ee ka taagan Tukaraq ee ay isku horfadhiyaan   ciidanka qaranka iyo ka Soomaaliya.

Wararka kaliya ee laga tabin karaa jiidaas dagaalku ka taagan yahay ee Tukaraq waa midka ka soo baxa taliska ciidanka ama xukuumadda, waxaana reebban in warar malo-awaal iyo kuwo laga soo xigtay meelo kale oo aan ahayn ilaha rasmiga ah laga sii daayo  guud ahaan warbaahinta dalka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.