WorldRemitAds
Xulka ama Koox Somaliland ah oo si weyn caan uga ah dalka UK markay noqoto ciyaaraha kubadda cagta ee Qoomiyaddaha dunida  iyo dalalka kale ee Yurub, ayaa qayb ka noqotay kooxo ka badan 10 dal oo loo qabanayo Tartanka kubadda cagta ah oo ay koob ku kala guulaysanayaa.

Tartankan ayaa ka dhacaya dalka Ruushka magaaladdiisa Abkhazia, halkaas oo ay kooxaha dalalka aan weli la aqoonsan iskugu imanayaan qaar baddan oo ka mid ah.
Kooxda magaca Somaliland sidata ayaa lagu soo xushay xirfadda iyo qaab ciyaareedka ay leeyihiin iyo iyaga oo mar walba sitta magaca Somaliland, isla markaana hore ula ciyaaray kooxo wadamo kale ah oo magacooda sita.
Kooxdan reer Somaliland oo ka mid ah ururka kubadda cagta ee Somaliland Football Association ee dalka UK, ayaa jirtay in ka baddan 7 sannadood iyaga oo sidoo kale sannad walba 18-ka May ku xusa maalinta Somaliland ciyaar ay kula ciyaaraan kooxo ajaanib ah, iyaga oo uga jeeda inay muujiyaan jiritaanka iyo qaranimadda Somaliland. 
Kooxdan ayaa leh urur samafal ah oo ay dhallinyarada Somaliland ku caawiyaan, kaas oo la yidhaahdo NOT4GOTTEN Foundation, iyaga oo sannad walba lacago iyo qalab u dira dalka Somaliland iyo sidoo kalena ka caawiya tababarka garsoorayaasha kubadda cagta.
Haddaba kooxdan ayaa la ciyaari doonta kooxo kale bisha May 28-keeda ee sannadkan 2016-ka, taas oo dalka Ruushka la iskugu iman doono. Dadka reer Somaliland ayaa ay ku tahay waajib in la taageero kooxdan, cidii u dhoofi karta taageeradoodana ay tagaan Abkhazia si ay halkaas u muujiyaan taageerada kooxda Somaliland.
.
Haddaba kooxdan ayaa la ciyaari doonta kooxo kale bisha May 28-keeda ee sannadkan 2016-ka, taas oo dalka Ruushka la iskugu iman doono. Dadka reer Somaliland ayaa ay ku tahay waajib in la taageero kooxdan, cidii u dhoofi karta taageeradoodana ay tagaan Abakhazia si ay halkaas u muujiyaan

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.