WorldRemitAds
Muqdisho, Soomaaliya, December 20, 2015 (Saxafi) – Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Somalia, ayaa fariin hanjabaad ah u soo dirtay Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Axmed Siillaanyo oo ay ku eedeeyeen inay la dagaalantay kooxaha aaminsan xagjirnimada ee ay kooxdoodu ka mid tahay.

Fariin cod ah oo lagu baahiyay Shebekada Somalimemo, waxa uu Fu’aad Maxamed Khalaf (Fu’aad Shangole), ku sheegay in xukuumadda Somaliland ka joojisay kutub xambaarsan afkaarta xagjirnimada ee ay Al-Shabaab aaminsan tahay in masaajidda iyo Madarasadaha Islaamiga ee Somaliland loogu dhigo halinyarada da’dooda ka yar tahay 20 sano gabdho iyo wiilal, waxaanu Shangole kutubta uu ku eedeeyay inay xukuumadda Somaliland mamnuucday ka xusay kutub ugu yeedhay in la yidhaahdo Al-walaa Wal-baraa.
Fu'aad Shango'leAl-shabaab, waxay hanjabaadooda ku sheegeen inay jawaab ka bixinayaan tallaabada Xukuumadda Madaxweyne Siillaanyo, iyagoo fariintaa ku sheegay in ay waqtiganba meel aan ka fogayn Hargeysa oo 8km u jirta ku sugan yihiin.
Waxay sheegeen in go’aanka Somaliland ku mamnuucday waxyaabaha ay ku eedaynayaan uu ku soo beegmay waqti bilo ka hor maamulka Kurdiyiinta ee ka jira waqooyiga Ciraaq mamnuucay kutubta ay qoreen sheykhul islaam Ibnu Teymiya, Cutheymiin iyo Al-albaani, iyagoo kutubtaas ku sifeeyey kuwa muslimiinta faraya, waxay ugu yeedheen dhiirigelinta’Argagaxisada.
Dhinaca kale xukumadda Somaliland, ayaan weli jawaab ka bixin fariinta hanjabaada ah ee Al-shabaab iyo sheegashada ay sheegteen inay ku sugan yihiin meel aan 8km ka fogayn magaalada.
Masuuliyiinta Arrimaha Guddaha Somaliland iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo aanu isku daynay in aanu wax ka weydiino arrimaha.
Kooxda Argagixisada ah ayaa sannadkii 2008-kii Qaraxyo ismiidaamin ah ka fulisay magaaalada Hargeysa, kuwaas oo ay ku nafwaayeen soddon ku dhawaad reer Somaliland ah, iyadoo marar badan oo kalena weeraro argagixiso ay la maaganaayeen Somaliland ay ciidamada ammaanka Somaliland fashiliyeen. 

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.