WorldRemitAds

 “Haddii aad Qof Siiso Xabad Kalluun Ah Maalin Keliya Ayey Quudinaysaa, Haddiise Aad Barto Sida Loo Kalluumaysto Waxaad Quudisay Noloshiisa Oo Dhan” Cabdillaahi Khaliif, Hay’adda Horumarinta Deeqaha Switzerland

Sheekh, Somaliland, March 1, 2017 (Saxafi) – Munaasibad ballaadhan oo qallin-jebin ahayd oo Isniintii toddobaadkan lagu qabtay Dugsiga Caafimaadka Xoolaha Sheekh ee uu urur-goboleedka IGAD maamulo ee ISTVS (Intergovernmental Authority on Development (IGAD) Sheikh Technical Veterinary), ayaa lagu soo gebagabeeyay Tababar muddo saddex bilood ah dugsigaas ka socday oo ku saabsanaa aqoonta Xoolodhaqato-Beeraleyda oo ah in dadka xoolo-dhaqatada ahi waxna beeran karaan, halka kuwa beeralayda ahina ay xoolo dhaqan karaan.

Tababarkan ayaa qayb ka ah barnaamij ay iska-kaashadaan ururka goboleedka IGAD iyo hay’adda Cunta adduunka ee FAO oo ku saabsan ka hortaga abaaraha, kaas oo taageero loogu geysanayo xoolodhaqato-Beeraleyda Mandaqadda Geeska Afrika, isla markaana ay maalgelintiisa bixinayso hay’adda Iskaashiga Deeqaha ee dalka Swiss (SDC), iyadoo fulintiisa ay iska kaashadeen hay’adda FAO iyo urur-goboleedka IGAD.

SomlegalAds

Tababarkan oo loogu talo-galay inuu door muhiim ah ka qaato wax ka qabashada abaaraha soo noqnoqonaya ee mandaqadda Geeska Afrika oo uu ururka IGAD ku waajahayo dhibaatooyinka abaaraha ka dhasha ee gobolka, ayaa ahaa mid lagu horumarinayey aqoonta iyo xirfadda ardayda ka qayb-qaadatay, kuwaas oo loo tababaray inay iyaguna aqoontaas iyo xirfadaas u sii gudbiyaan bulshada ay ka socdeen, kuwaas oo sidoo kalena bulshada ku dhaqan deegaanada ku dhow dugsiga Sheekh (ISTVS) u gudbinayey aqoonta iyo xirfadda u adkaysiga Abaaraha, badbaadada cuntada iyo nafaqaynta.

Ardayda tababarkan dhammaysatay oo ka koobnayd 21 arday oo afar ka mid ahi gabdho ahaayeen, ayaa ka kala socday dalalka Somaliland, Ethiopia, Somalia iyo Kenya, waxaana ku talo-galku yahay in marka ay ku noqdaan deegaanadii ay ka yimaadeen ay dadkooda ama dadka deegaanadaas ku dhaqan ay u sii gudbiyaan kuna tababaraan aqoontii iyo xirfadii kala duwanaa ee ay tababarkan ku qaateen, si bulshadaasi ay u yeelato adkaysi Abaaraha ku soo noqnoqonaya.

Munaasibadii qallinjebintooda ayaa waxaa ka qayb-galay wefti culus ka kala socday urur-goboleedka IGAD, hay’adda Qaramada Midoobey ee FAO, Hay’adda Isuduwida Deeqada dalka Switzerland (SDC), Xukuumadda Somaliland iyo Masuuliyiin ka socday Deegaanada ay ardayda tababarku u dhammaaday ka socdeen, halkaas oo ay khudbadda isugu jiray dhiirigelin iyo dardaaran ay ugu jeediyeen ardayda qallinjebisay, iyagoo isla markaana halkaas shahaadooyin ku gudoonsiiyay 21 arday ee tababarku u dhammaaday.

Maamulaha Dugsiga ISTVS ee Sheekh, Mr. Fred Wesonga, oo furitaankii xafladaas hadal ka jeediyay ayaa u mahadnaqay Saraakiisha ka socotay IGAD, FAO, SDC iyo Xukuumadda Somaliland, isagoo xusay in tababarkani wax badan ka bedeli doono bulshada ay ardaydani ka soo jeedaan ee ay dib ugula noqonayaan aqoontii iyo xirfadihii ay halkan ka barteen, kuwaas oo kor u qaadi doona tayada u adkaysiga abaaraha iyo wax soo saarka dhinaca xoolodhaqato-Beerlayda.

Mr. Fred Wesonga ayaa sidoo kale waxa uu mahadnaqay ardayda tababarka dhammaysatay oo uu sheegay inay yihiin kuwo maanta wax ka bedeli kara bulshada ku dhaqan deegaanada ay metelayaan.

“Tababarkani wuxuu bilaabmay bishii November 2016, marka laga tago tababarida ardaydan, waxa kale oo tababarka ka mid ahaa hawl-galo ay ardaydan laftoodu aqoon iyo xirfadba ay ku siinayaan bulshada ku dhaqan deegaanka dugsiga ISTVS ku yaal ee Sheekh,” ayuu yidhi Fred Wesonga, Maamulaha Dugsiga ISTVS, isagoo sheegay inuu aad u soo dhawaynayo wufuudda ka socotay IGAD, FAO iyo SDC oo uu ku ammaanay tababarkan muniimka u ah bulshada gobolka.

 Ms. Caroline Kirungu oo ka socotay urur-goboleedka IGAD, isla markaana ka mid ah Saraakiisha ugu sareysa ee Mashriicda dhinaca horumarinta xoolo-dhaqatada iyo Beeraleyda ee IGAD, oo munaasibadaas ka hadashay ayaa sheegtay in maalintani tahay maalin muhiim ah maadaama ay qallinjebinayaan dufcaddii ugu horeysay ee qaadatay tababarkan “Agro-Pastoral Field School Master Training course”, waxaanay xustay inay IGAD ahaan aad ugu faraxsan yihiin, maadaama ururkoodu awoodda saarayo inay dadka gobolkan dega gacan ka siiyaan sidii ay adkaysi ugu yeelan lahaayeen abaaraha, waxaanay dardaaran u jeediyay ardayda tababarka dhamaysatay.

“Waxaan ardayda qallinjebisay ku codsanayaa inay Safiiro u noqdaan Barnaamijkan bulshada lagaga caawinayo u adkaysiga abaaraha oo qorshuhu yahay inuu socdo muddo shan sanadood ah. Waxaan farxad ii ah inaan wax yar ka hor idinka maqlo in aydaan hadda ahayn kuwii la tababarayey, balse aad tihiin tababarayaashii, waana ii farxad inaad durba ogtihiin masuuliyadda idin fuushay oo ah in bulshadiina marka aad dib ugu noqotaan wixii aad halkan ku barateen u gudbisan, kuna hoggaamin doontaan mustaqbal fiican,” ayey tidhi Ms. Caroline Kirungu, iyadoo u mahadnaqday ardayda qallinjebisay iyo macalimiintii tababarka siinaysay muddadaas saddexda bilood ah.

Sidoo kale, Dr. Deborah Duveskog, oo ah Sarkaalka dhinaca Beeraha heer gobol u qaabilsan hay’adda Qaramada Midoobay ee FAO, ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay in ay goob-joog ka noqoto midho-dhalka mashruuc ay xustay in laba sannadood ka hor markii la qorshaynayey aan loo hayn wax dhaqaale ah, balse maanta la helay dadkii doorka muhiimka ah ka qaadan lahaa.

Waxa kale oo ay Dr. Deborah sheegtay in aqoonta iyo xirfadda ay ardaydani qaateen ay tahay mid suurta-gelinaysa inay wax-soo-saar dhinaca cuntada ah, iyadoo xustay in shaqada ay hay’adda FAO u xilsaaran tahay ay tahay badbaadada cuntada iyo la-dagaalanka gaajada, sidaas darteedna uu tababarkani yahay mid taas wax weyn ka taraya “Aqoonta iyo xirfadda aad qaadateen runtii waa mid cuntada miiska soo saaraya, isla markaana suura-gelinaya adkaysi loo yeesho abaaraha” ayey tidhi Dr. Deborah.

Cabdillaahi Khaliif oo Khabiir ku ah badbaadada Cuntada, isla markaana La-taliye Sare u ah hay’adda Deeqaha Caalamiga ah ee dalka Switzerland (SDC),oo isna halkaas ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda uu barnaamijkani ka yahay u adkaysiga Abaaraha ee mandaqadda Geeska Afrika, waxaanu barnaamijkan ku tilmaamay mid yaraynaya macluushii muddooyin badan ku soo noqnoqotay mandaqaddan, isla markaana uu noqon doono hab cusub oo lagaga gaashaaman karo saameynta ay abaaruhu ku yeelan jireen gobolka.

“Haddii aad xusuusan tihiin macluushii ama abaarihii ka dhacay mandaqadda Geeska Afrika gaar ahaan Somalia sannadihii 2010, 2011 iyo 2012, waxay dawladda Switzerland go’aansatay in si ka duwan sidii wax looga qaban jiray ee ahayd in inta barnaamij meel laga qabto, kadibna layskaga tago oo aanu wax raad-raac ah ama dabagal ah aanu yeelanin, in taas laga fiican yahay, waxaanay taasi khasabtay inaanu ku fikirno wax ka duwan waxyaabihii la qaban jiray, oo ah in bulshooyinka toos loola shaqeeyo, oo da’yarta ka imanaysaa bulshooyinkaas in loo tababaro inay la shaqeeyaan bulshooyinkooda, si maxsuulka soo baxaa uu u noqdo bal sidii dadkani uga bixi lahaa ku-tiirsanaanta kaalmo-maalmeed, oo ay tani wax ugu noqoto dadka bulshadaas ka imanaya. Taasina waxay sababaysaa in sidii wax loo qaban jiray si ka duwan loo qabto,” ayuu yidhi Cabdillaahi Khaliif oo ka socday dawladda Switzerland oo maalgelisa mashruuca tababarkani ka midka yahay.

Waxa kale oo uu Cabdillaahi Khaliif ka hadlay tababarada noocan ah ee ay ardayda qallinjebisay ahayd tii ugu horeysay ee dhamaysata, isagoo sheegay in haddii ay noqdaan kuwo midho-dhal ah oo faa’iidadooda laga dareemo bulshooyinkii ay ka yimaadeen kooxda tababarka dhamaysatay inay suurta-gal noqoto in la sii waddo, waxaanu yidhi: “Tababarada aanu fulinayno haddii ay yihiin kuwo ku noqonaya bulshooyinkii ay ka yimaadeen oo maxsuulkoodana laga dareemayo bulshadii dadkan loo tababaray ka yimaadeen, waxay noqonaysaa fikrad fiican ama lagu guulaystay, waxaanay suurto-gelin doontaa inaanu sii wadno.”

“Maahmaah Shiine ah ayaa waxay tidhaahdaa haddi aad qof siiso xabad Kalluun ah, waxaad quudisay maalin keliya,, laakiin haddii aad qof barto sida loo kalluumaysto waxaad quudisay noloshiisa oo dhan. Markaa waxaan rajaynayaa in Barnaamijkani ku barayo sidii aad u kaluumaysan lahayd, taas oo keenaysa inaad mustaqbalkaagii gacmahaaga ku qaadato oo aanad sugin in dad kale intay kuu yimaadaan ku quudiyaan. Haddii aan hadda eegay kooxdiinan tababarka qaadatay, waxaan odhan karaa da’dii iyo wakhtigii ugu munaasibsanaa ayaad haysataan ee aad kaga faa’iidaysan lahaydeen” ayuu yidhi Cabdillaahi Khaliif.

Wasiiru-dawlaha Xanaanada Xoolaha, Cali Maxamed Cilmi (Cali-Gadh-dheer) oo isaguna munaasibadaas soo gunaanaday, ayaa u mahadnaqay hay’adaha mashruucan suurta-geliyay iyo ardayda tababarka dhamaysatay, isagoo dhinaca kalena si gaar ah ugu mahadnaqay macalimiinta iyo maamulka dugsiga ISTVS ee Sheekh, waxaanu xusay in dugsigan iyo ardayda ka soo baxdaaba ay ahmiyad gaar ah wasaarad ahaan ugu fadhido iyo guud ahaan dalkaba maadaama xooluhu yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland.

Waxa kale oo munaasibadaas ka hadlay Arday ka mid ahaa ardaydii tababarka dhamaysatay, isla markaana Somaliland ka socday, kaas oo si aad ah ugu mahadnaqay macalimiintii tababarka siiyey, gaar Dr. Solomon oo uu ku tilmaamay mid u hagar baxay tababarkooda oo la’aantii aanay waxba u suurto-galeen, isagoo dhinaca kale u mahadnaqay hay’adaha maalgeliyey iyo kuwa fulinayeyba, waxaanu tilmaamay in aqoonta iyo xirfadda ay tababarkan ka heleen uu noqon doono mid ay bulshadooda wax ugu qaban doonaan oo wax muuqda ka bedeli doonta.

Nasiib Cawil Faarax oo ka mid ahayd afar gabdhood ee ka midka ahaa 21ka arday ee tababarkani u dhammaaday, ayaa Saxafi u sheegtay in tababarkan ay ku barteen aqoon wax ka tari doonta sidii ay bulshada abaaruhu ku dhaceen uga soo kaban lahaayeen, iyadoo Nasiib sheegtay in aqoonta ay qaateen bulshadii ay ka yimaadeen wax badan ka bedeli doonto noloshooda iyo awoodooda wax-soo-saar.

Mar ay ka hadlaysay Nasiib Cawil waxyaabihii ay tababarkan ku barteen, waxay tidhi: “Waxyaabaha aanu qaadanay waxa ka mid ahaa in Xoolaha dhul daaqsimeed loo sameeyo, in dadka quwadooda kor loo qaado xaga caafimaad ahaaneed, xaga beeraha in dhul badan la fasho si fiicanna loo diyaaro. Sidoo kale in la sameeyo keydiye cuntada lagu keydiyo, daaq la keydiyo, siidhadhka la keydiyo si abaaraha loogaga gudbi karo. Marka aanu bulshadayada ku noqono waxaanu u gudbin doonaa aqoonta iyo xirfadaas lana baray, sidii ay xoolahooda caafimaadkooda ugu dedaali lahaayeen, dhul bandanna loo beeran lahaa oo cuntadana loo keydsan lahaa.”

Geba-gebadii munaasibadaasna waxaa ardayda tababarka dhamaysatay la gudoonsiiyay shahaadooyin, iyadoo dhinaca kalena Dr. Deborah Duveskog madashaas ka sheegtay inay jirto abaalmarino la guddoonsiin doono ardaydaas oo ay barnaamijkaas ugu jirtay.

Waa markii ugu horeysay ee tababar noocan oo kale ah, laga fuliyo gobolka Geeska Afrika, iyadoo 21-ka Arday lagu tababaray sidii ay bulshada dalalka Somaliland, Ethiopia, Somalia iyo Kenya oo ay ka soo kala jeedaan ugu sii gudbin lahaayeen waxyaabihii ay muddada saddexda bilood ah barteen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.