WorldRemitAds

Wajaale, Somaliland, November 17, 2015 (Saxafi) – Axmed Xasan Cawke oo ahaa Suxufi iyo Oday Saxaafadeed rug-cadaa ah ayaa galabka aas-qaran loogu sameeyay Magaalada Tog-Wajaale ee gobolka Gabiley, kadib markii Marxuumku saaka ku geeriyooday xarunta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga.

Axmed Xasan Cawke, Alle Jannatul-Fardowsa ha geeye, inkastoo Qof kastaa maalin uu dhimanayo leeyahay oo aanu dhaafayn, haddana geerida Weriye Axmed Xasan Cawke waxaa maanta xaqiijisay gabadha keliya ee ay walaalo yihiin Axmed Xasan Cawke oo magaceedu yahay Canab Xasan Cawke, waxaanay sheegtay Canab in walaalkeed Axmed Xasan Cawke uu xalay goor danbe kala soo hadlay telefoonka oo uu u sheegay in neeftu hayso oo uu aad u xanuunsanayo, kaddibna loo soo xaqiijiyay in uu geeriyooday.

Axmed Xasan CawkeMarxuun Axmed Xasan Cawke, oo sannadihii u dambeeyay Somaliland ku sugnaa, ayaa maalmihii u dambeeyay socdaal ku joogay magaalada Jigjiga, halkaas oo uu hawlo u gaar u tegay.

SomlegalAds

Marxuum Axmed Xasan Cawke oo 73 jir ahaa, waxa uu ku dhashay magaalada Tog-Wajaale oo ku taal xadka Somaliland iyo Itoobiya.

Axmed Xasan Cawke oo ahaa Rug-caddaa bulshadu ku diirsan jiray codkiisa marka uu idaacadaha wararka iyo barnaamijyada ka soo tebinayo, wuxuu ku biiray Raadyow Muqdisho 1972, isaga oo aad ugu soo caanbaxay wararka iyo gaar ahaan tebinta ciyaaraha iyo madadaalada.

Wuxuu sidoo kale ka soo shaqeeyay Telefiishankii dalkii Soomaaliya laysku odhan, kadibna wuxuu noqday Afhayeenkii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ilaa burburkii Soomaaliya.

Cawke wuxuu ku biiray laanta Afka Soomaliga ee BBC sanadkii 1996, isaga oo si weyn loogu yaqaanay barnaamijkii madadaalada iyo Salaamaha.

Waxaa kale oo uu ka soo shaqeeyay laanta Afka Soomaliga ee VOA iyo dhowr telefiishan oo gaar loo leeyahay.

Alle ha u naxariistee Axmed Xasan Cawke ayaa muddooyinkii dambe ka soo shaqeeyay Telefiishinada Soomaalida, sida Telefiishanada Universal TV, Horn Cable TV, Telefishinka Somaliland National TV iyo sidoo kale Telefiishanka Kililka Soomaalida Itoobiya oo uu qayb laxaad leh ka qaatay aasaaskiisii iyo isku dabaridkiisii, isagoo dhinaca kalena wakhtiyadii dambe Soo-Saare ka ahaa barnaamijyo dhawr ah oo laga baahin jiray Telefiishanada Soomaalida ee kala duwan.

Axmed Xasan Cawke wuxuu ifka kaga tagay lix carruur ah, kuwaas oo saddex ka mid ah ay u dhashay Sacdiya Cabdillaahi Salaad oo ahayd suxufiyad ay wada shaqeyn jireen muddo aad u fog.

Marxuun Axmed Xasan Cawke aaskiisa waxaa si weyn looga tegay magaalooyinka Somaliland iyadoo ilaa saaka jidka Wajaale ay qulqulayeen boqolaal gaadiid ah, waxaanay magaalada Wajaale la ciirtay dadka faraha badan ee u tegay aaska, halka dhinaca kale ee magaalo-madaxda dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ay ka yimaadeen dad aad u farabadan iyo wefti uu hoggaaminayo Madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya oo la socday meydka marxuumka. Dhinaca Somaliland, waxa aaska ka qayb-galay Madaxweyne Ku-xigeenka

Madaxweynaha Somaliland

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa guud ahaan shacbiga Somaliland, gaar ahaan Bahda Saxaafadda ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Marxuum Axmed Xasan Cawke, waxaana sidaas lagu sheegay war-Saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada, Xuseen Aadan Cige (Deyr), kaas oo isagoo dhammaystiran u qornaa sidan:

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, guud ahaan shacbi weynaha Somaliland, Waxgaradka, waayeelka, Boqorada, Ugaasyada, Salaadiinta, Cuqaasha, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo gaar ahaan Bahda Saxaafada, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Weriye Axmed Xasan Cawke oo ku geeriyooday     dalka Ethiopia gaar ahaan Magaalada Jig-jiga 17/11/2015.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay guud ahaan inta ku hadasha Afka Soomaaliga, iyo Qaranka Somalilandba, sidoo kale  waxa uu ahaa weriye ruug caadaya oo taariikh ma guurto ah kaga tegay dunida, tusaale iyo ku dayasho wacana u ahaa dhamaan Bahda Saxaafada meel ay joogaanba.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Bahda Saxaafada, Waxgaradka, waayeelka, Boqorada, Ugaasyada, Salaadiinta, Cuqaasha, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN”

Sidoo kale, waxaa Xarunta Saxafi Media Network ee Wargeyska Saxafi soo saarta, soo gaadhaya dhambaalo Tacsiyeed oo dhinacyo kala duwan ka soo baxaya, kuwaas oo dhammaan tacsi loogu dirayo bulshada Somaliland, Bahda Saxaafadda, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo dhammaan bulsho weyn kale, kuwaas oo lagaga tacsiyadayno geerida ku timid Suxufiga weyn ee Marxuum Axmed Xasan Cawke.

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda iyo Xisbiga Waddani 

Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro), ayaa isaga oo ku hadlaaya magaciisa,Ka golaha wakiilada,  hoggaanka xisbiga WADDANI, guddida fulinta, golaha dhexe, garabadda haweenka iyo dhallinyarada iyo dhammaanba afka taageerayaasha xisbiga WADDANI, 

waxaa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaanba  guud ahaan shacbi weynaha Somaliland,Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo gaar ahaan Bahda Saxaafada, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Weriye Axmed Xasan Cawke oo ku geeriyooday dalka Ethiopia gaar ahaan Magaalada Jig-jiga 17/11/2015.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay guud ahaan inta ku hadasha Afka Soomaaliga, iyo Qaranka Somalilandba, sidoo kale waxa uu ahaa wariye ruug caadaya oo taariikh ma guurto ah kaga tegay dunida, tusaale iyo ku dayasho wacana u ahaa dhamaan Bahda Saxaafada meel ay joogaanba.

Salaadiinta Somaliland

Afhayeenka Salaadiinta Dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf Maxamuud (Xiiray) Ayaa dhambaal Tacsi ah u diray Suxufigii Weynaa Rugcadaagii Saxaafada Soomaaliyeed Axmed Xasan Cawke oo Saaka Ku Geeriyood Magaalada Jigjiga .

Afhayeenka Salaadiinta Dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf Maxamuud (Xiiray) ayaa waxa uu tacsidan gaadhsiinayaa  ehelada, qaraabada, asxaabta  iyo guud ahaanba umada afka somaliga ku hadashay geeradii naxdinta lahayd ee ku timid Alle haw naxariistee marxuun Axmed Xasan Cawke.

Waxaanu marxuumka ilaahay uga baryaynaa inuu naxariistiisa jano ka waraabiyo, dhamaanba ehelkiisa, asxaabtiisa iyo guud ahaan ummadda afka Soomaaliga ku hadashaba uu samir iyo iimaanka siiyo.

Aamiin    Aamiin   Aamiin

Madaxweynaha Somalia

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay geerida suxufigii caanka ahaa ee Axmed Xasan Cawke oo ku geeriyooday magaalada Jig Jiga ee dawlada deegaanka Somalida Ethiopia.

Xasan Sheekh ayaa tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday weriye Axmed Cawke oo ka mid ahaa hawl-wadeennada kaalinta weyn ka soo qaatay war-baahinta dadka afsoomaliga ku hadla. Madaxweynaha Somalia ayaa suxufiga Axmed Xasan Cawke ku tilmaamay suxufi wax weyn ka soo qabtay dalkii laysku odhan jiray Somalia.

“Marxuum Axmed Xasan Cawke wuxuu ka baxay ummadda Soomaaliyeed oo dhan, cid kasta way garaneysaa kaalintii iyo shaqadii wanaagsaneyd ee uu dalkan u soo qabtay intuu noolaa. Marxuumka Ilaahay Jannatul Fardowsa ha ka waraabiyo, qoyskiisa, ehelkiisa iyo shacabka Soomaaliyeedna, samir iyo iimaan Allah ka siiyo,’’ ayuu yidhi Xasan Sheekh.

Shirkadda Dahabshiil

Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Guddoomiyaha Shirkadda Dahabshiil Group (Maxamed Siciid Ducaale), Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil Group (Cabdirashid Maxamed Siciid), Dhammaan Maamulka Xarunta Shirkadda Dahabshiil, Dhammaan Shaqaalaha Shirkadda Dahabshiil iyo Dhamman Wakiilladda Shirkadda Dahabshiil  waxa ay Tacsi u dirayaan Ehelkii, Qaraabadii , iyo Shacabkaba. Geerida ku Timid, Marxuum Axmed Xasan Cawke oo Saaka (17 November, 2015) ku geeryooday Magaaladda Jigjiga, DDSI, waxaanay ilaahay uga baryayaan marxuumkaasi in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodeyna Samir iyo Iimaan ka siiyo. 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.