Xafiiska Madaxtooyada ee Dalka Suuriya ayaa shaaciyay in Madaxweynaha dalkaas Bashaar Al Asad Hooyadii Geeriyootay, waxaanu telefishanka rasmiga ah ee dalkaasi war degdeg ah oo uu sii daayay, habeenimadii sabti ee todobaadkan ku waramay in geerida Anisa Ahmed Makhlouf, oo ahayd Madaxweynaha Suuriya Bashar Al Asad Hooyadii, lagu sheegay bayaan Madaxtooyadu soo saartay.

Anisa Ahmed Makhlouf ayaa guursatay Madaxweynihii Hore ee Dalka Suuriya Xaafid Al Asad, oo sarkaal derajadiisu hoosaysay ahaa, waxaanay la soo kifaaxday waayihii kala duwanaa ee inta badan noloshiisa, oo ay ahayd lamanihiisi kaliya ee la qaybsatay nolosha ilaa uu ka dhintay sanadkii 2006-dii.
Sida telefishanka Suuriya sheegay, Anisa Ahmed Makhlouf ayaa Madaxweyne Xaafid Asad u dhashay dhamaan carruurtiisa shanta ah, kuwaas oo kala ahaa, Basil Xafid Al Asad, Mahir Xafid Asad, Bashar Al Asad, Majdi Al Asad iyo Bushra Al Asad.