Boosaaso, Soomaaliya, December 8, 2015 (Saxafi) – Askari hubaysan ayaa shalay degmada Boosaaso ku dilay taliyihi ciidanka garoonka diyaaradaha Boosaaso, Col. Xasan Shire Amaan, waxaana la dilay xilli uu shaqada soo galayay, isaga oo ku sugnaa albaabka hore ee laga galo garoonkaas.
Taliyaha qaybta Booliska gobolka Bari Cabdixakiin Xuseen Yuusuf ayaa sheegay in Askariga dilka gaystay maalmo ka hor la ruqseeyay, isla markaana ay socdaan baadhitaano dheeri ah oo la xidhiidha waxyaabaha ku kalifay shirqoolkan.

Marxuum Xasan Shire Amaan ayaa xilkan soo hayay tan iyo dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdulaahi Yuusuf Axmed, waxaana qaar ka mid ah dadkii la soo shaqeeyay ay sheegeen in uu ahaa Nin afgaaban oo cibaado badan.
Ugu dambeyn, dilkan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso uu gaba-gabo ku dhow-yahay dhismihiisu.