WorldRemitAds
Muqdisho, Somalia, December 8, 2015 (Saxafi) – Dowladda Somalia ayaa sheegtay inuu isu soo dhiibay ciidamadadooda ku sugan Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose dagaalyahan u dhashay dalka Maraykanka oo ka tirsanaa Al-shabaab, balse sida la sheegay haatan taageeray kooxda Daacish ee ka dagaalanta Ciraaq iyo Suuriya.

Guddoomiyaha degmada Baraawe, Xuseen Maxamed Barre oo wareysi siinayay VOA-da ayaa sheegay in ninkan Maraykanka ah uu isku soo dhiibay ciidamada dowladda Somalia ee ku sugan degmada Baraawe.
Dagaalyahan Daacish taageeray
Sawirkan oo aan taariikh lahayn oo ay soo bandhigtay FBI, waxa ka muuqda Maxamed Cabdullahi Xassan, ayay wasaaradda Khaarajiga Maraykanku sheegtay Isniintii, Dec. 7, 2015 inuu isu dhiibay dawladda Somalia. Maxamed oo hore u deganaa magaalada Minnesota ee Maraykanka waxa uu ku biiray Al-Shabaab in ka badan 7 sannadood ka hor, balse wuxuu hawada dadka ku marin jiray inay u dagaalamaan Daacish (FBI via AP)

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa hadalkiisa ku daray in in ninkan uu u sheegay in uu kasoo baxsaday dagaalka u dhexeeya Al-shabaab ee salka ku haya inay ISIS ka mid noqdaan iyo inay kasii mid ahaadaan kooxda Al-Qaacida.

Gudoomiyaha degmada Baraawe Xuseen Maxamed Barre, waxa uu sheegay in ninkani uu u sheegay in la doonayey in la dilo, sidaas darteedna uu naftiisa u baqay oo uu soo baxsaday. “Wuxuu ninkani noo sheegay inuu kasoo baxday Al-shabaab, wuxuuna Baraawe soo gaadhay isagoo rafaad uu ka muuqdo, waxaana gacanta ku dhigay ciidamada millateriga Somalia ee degmada ku sugan,” ayuu yidhi Barre.
Mar la weydiiyay gudoomiyaha oo ahayd in markii uu gacanta u soo galay ay weydiiyeen, halka uu ka yimid, cidda uu yahay iyo magaciisa, ayuu kaga jawaabay. “Runtii wareysi aan la yeelannay, wuxuuna noo sheegay inuu kasoo baxsaday Al-shabaab, cabsi awgeedna u soo baxsaday, isla markaana lagu dilay deegaanno Kuunyo-barroow ka mid ah rag badan uu xusay inay saaxiibbo ahaayeen; ayna taasi keentay inuu soo baxsado.”
Isagoo sii hadlayay guddoomiyaha degmada Baraawe ayaa wuxuu sheegay inuu u sheegay inuu ka mid ahaa saraakiisha sare ee xarakada Al-shabaab rag badan oo ay si dhow asxaab u ahaayeenna la dilay, xitaanka far ka mid ah farahiisa ay kaga go’day dagaal uu galay.
Su’aal kale oo ahayd afka uu ku hadlayo ninkan Mareykanka ah ayuu Barre xusay inuu ku hadlayo luuqadda Ingiriiska, isla markaana aanu afka Soomaaliga, si wanaagsan u aqoon; uuna yahay Mareykan.
Ugu dambeyn, guddoomiyaha Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay inuu ninkan qiyaas ahaan jiro 40-sanadood, ayna baadhitaanno adag ku hayaan hay’adaha nabad-sugidda Somalia, magaciisa rasmiga ahna aanu weli u sheegin.
Al-shabaab; ayaan weli ka hadlin sarakaalkan Mareykanka ah ee ka tirsanaa oo u baxsaday dhanka dowladda federaalka Somalia, inkastoo ay saraakiisha sare ee Al-shabaab ay horay u sheegeen inay gacmaha qaban doonaan cid walba oo isku dayda inay kala qaybiso safkooda.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.