WorldRemitAds

Phoenix, Maraykanka, June 5, 2016 (Saxafi) – Feedhyahan Maxamed Cali oo ah Nin Madow oo Muslin ahaa; Caanna ku ahaa cayaaraha Feedhka marar bandanna ku guuleystay ayaa habeen hore ku geeriyooday magaaladda Phoenix ee gobolka Arizona.

Maxamed Cali ayaa Da’diisu ahayd 74- sannadood, wuxuuna ku jiray Maalmahan Cusbitaal ku yaalla Magaalada Phoenix ee Gobolka Arizona, isagoo Xaaladiisa Caafimaad laga dayrinayay. Feedh-yahankan Caanka ka ahaa Caalamka oo dhan, Waxaana hayay Xanuun kaga dhacay Sambabbada, taas oo ku keentay in Neefsashadu ay ku adkaato.

Sidoo kale, wWaxaa Cudurkaas uu ku dhacay Sannadkii 1984-kii, Afar Sano kaddib markii uu ka fadhiistay Cayaaraha Feedhka.

SomlegalAds

Feedhyahanka oo tukanayaDhinaca kale, Maxamed Cali, wuxuu ku dhashay Magaalada Louisville ee Gobolka Koofurta Mareykanka ku yaalla ee Kentucky Taariikhdu markii ay ahayd 17-kii January, 1942-kii. Magaciisuna wuxuu ahaa Cassius Marcellus Clay Jr. Laakiinse Wuxuu la baxay Maxamed Cali, Kaddib markii uu qaatay Diinta Islaamka Sannadkii 1964, oo ahayd markii ugu horreysay ee uu ku guuleystay Abaal-marinta caalamiga ah.

Waxaa lagu yaqaanay nin u ololeeya u dhaqdhaqaaqa arrimaha Qawmiyadda diirka Madaw ee uu ka soo jeeday. Waxaana lagu Xasuustaa markii Horraantii 60-kii uu si cad u Diiday in uu ka Qayb-galo Dagaalkii Vietnam iyo Maraykanka, taas oo muran badan dhalisay.

Allaha u naxariistee, Marxuum Maxamed Cali, wuxuu helay Abaal-marinta Feedhka Culus ee Caalamiga ah saddex jeer, waxaana lagu xasuusan doonna weedhihii xigmada iyo suugaanta u badnaa ee uu ku goolaaftami jirey wakhtiyadda uu tartanka galayo, waxaana laga guntay weedho xikmaddo leh oo saameyn ku yeelan jirey maskaxda dadka daawan jirey .

Ugu dambeyntii, Sannadkii 2007-dii, Soomaalida Deggen Magaalada Louisville, Kentucky ayuu ku Casuumay Qado-sharaf maalin Isniin ah, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay la kulankooda una sheegay inuu yahay Walaalkood ayna ka soo wada jeedaan hal Qaarad, isla markaasna ay Wadaagaan Diin Islaamka.

Dalka Maraykanka yaa calankooda hoos u dhigay iyagoo taas uga jeeda murugo ay u muujinayaan geerida Maxamed Cali. Sidoo kale dalka Vietnam ayaa iyaguna ku baaqay isla markaana hoos u dhigay calankooda, iyagoo taas uga jeeda inay ugu murugoodaan geerida ku timid Alle ha u naxariistee Maxamed Cali, maadaama uu ka mid ahaa raggii sida geesinimada leh uga soo horjeestay inay ka qayb-qaataan dagaalkii gumaadka ahaa ee dawladda Maraykanku dalkaas ku qaaday lixdameeyadii, isagoo Maxamed Cali wakhtigaas si badheedh ah u diiday ka qayb-galka dalkaas isla markaana ka ololeeyay inay dadka Maraykanka ah gaar ahaan kuwo madow ka qayb-qaataan dagaalkaas.

Si kastaba ha ahaatee, Marxuum Maxamed Cali wuxuu ahaa halyey ku caan-baxay ciyaaraha Feedhka Culus ee Caalamka, waxaanu habeenkii Jimcaha ku naf-baxay Cusbitaal lagu daweynayay…. ALLAHA u naxariisto Maxamed Cali.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.