WorldRemitAds

Gashaanti Afrikaan ah oo asalkeedu ka soo jeedo qaarada Afrika ayaa loo aqoonsaday qalanjada ugu quruxda badan adduunka ee sanadkan aynu geba gabadiisa ku jirno ee 2019-ka, (Miss Universe) taas oo ku guulaysatay xaflad loo qabtay maalintii axadii ee todobaadkan oo ka dhacday magaalada Atlanta ee dalka Maraykanka.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga  [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

SomlegalAds

Gabadhan oo 26-jir da’deedu tahay ayaa ka soo jeeda dalka Koonfurta Afrika, waxaana magaceeda lagu sheegay “Zozibini Tunzi” taas oo kaalinta koowaad ku guulaysatay tartankii quruxda hablaha aduunka loogu qabtay magaalada Atlanta ee dalka Maraykanka.

Waxa kaalinta labaad ku guulasatay Madison Anderson gabadh kale oo lagu magacaabo taas oo ka soo jeeda jasiirada Puerto Rico ee Maraykanku maamulo, taas oo hore ugu soo guulaysatay qalanjada quruxda ee jasiiradeeda.

Kaalinta saddexaad waxa iyaduna gashay qalanjada quruxda sanadkan u qaaday dalka Mexico oo lagu magacaabo, Sofia Aragon, dhamaan sadexdan hablood ayaa da’da iyo quruxda aan ku kala tagsanayn, waxaanay dhamaantood buuxiyeen waxyaabihii shuruudaha u ahaa ee looga baahna laakiin Zozibini Tunzi ayaa ugu tartankii ugu danbeeyay ku guulaysatay kaalinta koowaad sidaana loogu aqoonsaday inay noqoto qalanjada adduunka ee sanadkan 2019.

Gashaanti Afrikaan Ah Oo Ku Guulaysatay Qalanjada Quruxda Adduunka 2019
Zozibini Tunzi, Gashaantida Ku Guulaysatay Qalanjada Quruxda Adduunka 2019

Qalanjadan loo aqoonsaday boqorada quruxda adduunka ee sanadkan ayaa sanadkii 1993-kii ku dhalatay magaalada xeebta Koonfur Afrika ku taala ee Cape Town, waxaanay ka mid noqotay shantii gashaantimood ee isugu soo hadhay tartankii kama dambaysta ahaa ee lagu xulayay qalanjada quruxda aduunka ee sanadkan.

Gabadhan ayaa markii loo boqray quruxda adduunka ka dib hadal kooban oo dareenkeeda ay ku cabirayso jeedisay, waxaanay tidhi, “Waxan ku soo koray waddan qofka madow midabkiisu yahay lagu midab takooro oo wax dadka kale ka hooseeya lagu tilmaamo, laakiin guushani waxay ii noqonaysaa mid wax badan ka taraysa waddankayga oo ceeb ku noqon doonta midab takoorka.”

 

 

Gashaanti Afrikaan ah

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.