WorldRemitAds

New York, USA November 12, 2015 (Saxafi) – Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa hal sano u kordhisay hawl-galka maraakiibta caalamiga ah ee ku sugan xeebaha Somalia ee ka hor-taga falalka burcadbadeeda, xilli la sheegay inay hoos u dhaceen afduubka maraakiibta ganacsi ee ku safra badana Soomaaliya dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Xubnaha Golaha Amaanka ayaa muujiyay howsha muhiimka ah ay maraakiibtan xeebaha Somalia ku sugan qabteen, iyadoo maraakiibtani ay ka socdaan EUNAVFOR, waxaana uu goluhu beeniyay in budhcad-badeeddu ay ka dhasheen burburkii Soomaaliya ka dhacay 25-sano ka hor.

“In kastoo aan ogsoon-nahay in Soomaaliya uu horumar ka jiro, haddana falalka budhcad-badeeda ayaa waxay qayb ka yihiin ammaan-xumada Somalia iyo in budhcad-badeednimada laga helo lacago badan oo sharci-daro ah oo sii kordhinaya dambiyada & musuq-maasuqa,” ayaa lagu yidhi warbixinta Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ay soo saareen.

SomlegalAds

Xeebaha_Somalia_Maraakiibta_EUNAVFORCE_660Sidoo kale, Golaha Ammaanka ayaa warbixintiisa ku yidhi. “Howlgalkan waa mid ku yimid baahi loo qabo in jawaab dhameystiran laga bixiyo falalka ay kooxaha budhcad-badeedda ah geysanayaan, taasoo ah sababtii ay Beesha Caalamku ugu soo diray maraakiibta xeebaha Soomaaliya.”

Golaha Ammaanku ee QM ayaa ugu baaqeen dalalka Beesha Caalamka in maraakiib, hub, diyaaradaha ciidamada iyo qalab kale ay ku taageeraan ciidamada xeebaha Somalia u jooga hawl-gallada lagu caburinayo budhcad-badeedda.

Ugu dambeyn, Burcadbadeedda ayaa maraakiibta ku afduuban jiray xeebaha Somalia; taas oo keentay inay maraakiibta waaweyn ee ganacsiga ay ka caagaan inay badaha Soomaaliya iyo kuwa xeeran maraan; waxaana kooxahani lacago fara badan ka heleen afduubyada ay u geysteen maraakiibta iyo shaqaalihii la socda.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.