Hargeysa, Somaliland, December 8, 2015 (Saxafi) – Guddoomiyaha golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa shalay magacaabay Xogyaha Guud ee golahaasi kaasi oo bedeli doonna Cabdilaahi Dheere oo loo magacaabay wasiirka waxbarashadda.
![Guddoomiyaha Guurtida](https://i0.wp.com/saxafimedia.com/wp-content/uploads/2015/12/Guddoomiyaha-Guurtida-300x208.jpg?resize=212%2C147)
Xoghayaha guud ee cusub ee golaha Guurtidda Cabdinaasir Aadan Beegsi, ayaa qoraalka lagu magacaabay lagu sheegay inuu yahay aqoonyahan buuxin kara booskaasi,isla markaana golaha Guurtidda la shaqayn kara.