Laascaanood, Somaliland, October 31, 2014 (Saxafi)-Wasiirka Biyaha Somaliland Xuseen Axmed Cabdulle ayaa sheegay inay billaabayaan sahamin balaadhan oo biyo looga baadi-goobayo gobolka Sool, gaar ahaan magaaladda Laascaanood. Xuseen oo safar ku yimid Laascaanood oo ah xarunta gobolka Sool ayaa ku tilmaamay baahida biyood ee ka jirta gobolka inay tahay mid aad u weyn, isagoo xusay inay go’aansadeen inay dhaqaale ku bixiyaan sidii biyo loogu heli lahaa bulshada gobolka. Wasiir oo ka hadlayay kulan lagu qabtay Hotel Mustaqbal oo lagu daah-furayey sahaminta biyaha gobolka Sool, kaasoo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin, waxgarad, cuqaal iyo madaxdhaqameed ayaa waxaa ka hadlay wasiirul dawlaha horumarinta gobolada Bari Cali Maxamuud Axmed “Cali Sandule” oo muddo bil ku dhow ku sugnaa Laascaanood, wuxuuna sheegay in mashruucani uu qayb ka yahay mashaariic laga hirgalin doono gobolka Sool. Qaar ka mid ah waxgaradka deegaanka oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa ku cel-celiyay in haddii biyo lasoo saarayo ay tahay wax loo baahan yahay; balse sahahamin ay waqtiyo badan arkeen oo aanay waxba ka bedeli doonin. Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa soo dhoweeyey waxqabadka laga hirgalinayo gobolka Sool taas oo uu sheegay inay baahi weyn u qabeen, isagoo xusay in dawladdu kordhiso waxqabadka shacabka. Boqolaal jeer ayaa sahan lagu sameeyay gobolka Sool, kuwaasoo intooda badan ahaa kuwo lagu raadinayay biyo, waxayna soo billowdeen sannadihii kontomeeyadii; sida muuqaatana meelaha qaarkood raadadkoodii iyo agab-yadii loo adeegsaday ayaa weli lagu arki karayaa. Shirkad ay leeyihiin ganacsato reer Sool ayaa sahamintii u dambaysay samaysay sanadkii lasoo dhaafay, waxayna awood u waayeen inay soo saaraan biyo, walow ay ceelal badan ay ka qodeen dacallada magaalada Laascaanood, haddana waxay quuddarreynayaan sida ka muuqatay goobta kulanka in mashruuca loo dhiibo, maadaama ay kharash badan galeen wax yarna ay u hadhsan tahay.
Home Arrimaha Bulshada