WorldRemitAds

Asmara, Eritrea, July, 10, 2018 (Saxafi) – Raysal-Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo ku sugan magaalada Asmara ee dalka Itoobiya ayaa khudbad kooban ka jeediyay casho sharaf loo sameeyay kaddib kulan uu la qaatay Madaxweynaha Ertirea.

Nuxurka khudbada ra’iisal wasaaraha ayaa u dhignaa: “Waxaan Aniga Iyo Madaxweyne Af-wark ku heshiinay in Safaaradihii labada dal dib loo furo,- in duulimaadyadii labada dal diyaaradhoogu dib shaqo galaan.

SomlegalAds

In dekadihii ay dib u shaqo galaan, In labada shacab is-booqdaan, aniguna Asmara ka soo degno, idinkuna booqataan Addis Ababa oo bunka la wada cabo. Waxaa maanta Asmara ka da,ay roob xabaarsan galkacal (jacayl), roobkaasi guud ahaan wuxuu ka da,aya Bariga Afrika.

Waxaa maanta dumay darbigii, waxaana bedalaya buundooyin aynu isku xidhno, waxaan tacsi u dirayaa ehaladii dadkii ku dhintay dagaalkii labada dal, Jacaylka Iyo kalgacalka ayaa ka xoog badan hub casri ah, taangi iyo gantaalo. Waxaan sidaa kalgacalka iyo jacayl.

Waxaannu rabaa in aannu u gudbno horumar, bar waayo Iyo nabad dhammaan Geeska Afrika oo dhan.

Raysal wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya ayaa tan iyo markii uu xafiiska la wareegay la soo baxay siyaasad furan oo uu Itoobiya uga weecinayo waddadii ay hore ugu soctay, waxaana muuqata in uu durbaba uu hagaajiyay cilaaqaadkii dalka uu lahaa wadamada gobolka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.