Hargeysa, Somaliland, December 21, 2015 (Saxafi) – Guddi dhex-dhexaadin iyo xallin kaga jiray Khilaafkii u dhexeeyey Hoggaanka sare ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, gaar ahaan Guddoomiyaha Xisbigaas Eng. Faysal Cali Waraabe iyo sidoo kale Musharraxa jagada Madaxweynaha UCID u taagan Jamaal Cali Xuseen, ayaa Shaaciyey inay ku guulaysteen xal u helista Khilaafkaas oo ay is-afgarad ku soo dabbaaleen.

Kulankaas ka dib waxaa Saxaafadda la hadlay Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaan Shariif Batuun iyo Cabdikariin Aar oo dhammaantood Xubno ka ahaa Guddiga deminta Khilaafka u dhexeeyey Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, waxaanay sheegeen inay Masuuliyiinta is-hayey aqbaleen khilaaf-demintooda, isla markaana isku qacan-qaadeen, sidaasna uu Jamaal ku yahay Musharraxa Madaxweynaha UCID sida uu hore-ba u sheegay Faysal.
Xisbiga UCID ayaa masuuliyiintu isku seegeen weedho saxaafadda maray oo uu markii koowaad Faysal ku muujiyay in hunguri kaga jiro mar kale inuu isu taago tartanka murashaxa xisbiga. Iyaddoo taasna uu ka jawaabay Jamaal Cali Xusseen.