Mombasa, Kenya, December 21, 2015 (Saxafi) – Diyaarad Boqolaal ruux sidday oo laga leeyahay dalka Faransiiska oo ka soo duushay dalka Mauritius kuna sii jeeday magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa si deg deg ah loo fadhiisiyey dalka Kenya, ka dib markii laga dhex helay walax ama shay laga shakiyey Suuliga, waxaana ciidamada amaanka dalka Kenya iyo kuwa Faransiisku ay badhayaan shaygan laga shakiyay iyo madaarka laga soo saaray.

Qaar ka mid ah, rakaabkii diyaaradda ayaa su’aalo la weydiiyay hase ahaatee wax tafaasiil ah ama faahfaahin badan lagama bixin in la xidhay iyo in kale dadkaas.