WorldRemitAds

“Munaasibadan la igu casuumay waxaan u turjumayaa filashadda la iga rabo intay le’egtahay” Yaasiin Faratoon, Wasiirka cusub Ee Daakhiliga

Hargeysa, Somaliland, August 16, 2016 -Maayarka Caasimadda Somaliland, ahna guddoomiyaha Golaha Deegaanka Hargeysa, Md; Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) ayaa maanta hadhiimo sharafeed ku maamuusay masuuliyiinta cusub ee habeen hore uu Madaxweynaha Somaliland u magacaabay xilalka qaranka ee kala duwan, kuwaas oo uu hormood u yahay wasiirka Arrimaha Gudaha Yaasiin Farotoon.

Maayarka caasimadda.jpg
Maayarka Caasimadda Somaliland, ahna guddoomiyaha Golaha Deegaanka Hargeysa, Md; Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko)

Munaasibadan balaadhan oo ka dhacday hoteel Maansoor ee magaaladda Hargeysa, ayaa waxa ka soo qaybgalay madaxda dawladda, madax dhaqameed, Xildhibaano ka tirsan goleyaasha qaranka iyo marti sharaf kale oo badan, waxaanu masuuliyiintaasi ugu hambalyeeyey shaqada culus ee Madaxweynuhu u igmaday, isagoo isla markaana ugu duceeyey inuu ilaahay ku asturo.

SomlegalAds

Ugu horeyn, Maayar Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo ay la socdaan xildhibaanadda golaha deegaanka Caasimadda ayaa sheegay in uu casuumadan ugu tallogalay inuu ku maamuso masuuliyiiinta cusub ee u badan dhallinyarta ee Madaxweynuhu u igmaday shaqooyinka culculus, waxaanu wasiirka Arrimaha gudaha oo loo magacaabay xilka ugu balaadhan una culus ugu duceeyey inuu xilkaasi ilaahay u fududeeyo, isagoo sheegay in wasiir Waran-caddana uu ahaa nin reer Hargeysa oo uu ku faraxsanaa wada shaqayntooda, waxaanu wasiirka cusub u balanqaaday inuu la shaqayn doono maadaama oo uu Madaxweynaha u doortay wasaaradaasi wasiir reer Laascaanood ah.

“Madaxweynaha waxaan ku hambalyeynayaa masuuliyiinta  u badan dhallinyarada ee uu xilalka qaranka u magacaabay, waxa kale oo aan hambalyeynayaa wasiirka Cusub ee Arrimaha gudaha ee loo soo  magacaabay wasaaradan arrimaha gudaha, markii wasiir Waran-cadde la noo  magacaabay waanu ku faraxnay waayo nin reer Hargeysa ayuu ahaa.  Imikana waxanu mar labaad ku faraxnay in xilkaasi loo magacaabay Masuul ka soo jeeda walaalahayaga reer Laascaanood, waanuna u hanaynaa waanuna ku soo dhawaynaynaa wasaarada Arrimaha gudaha oo runtii ah wasaarad aad u balaadhan oo shaqadeeduna culus tahay, Waxaanan hubaa masuulka Madaxweynuhu u soo magacaabay inuu ka soo aqoonteeda iyo kartideedaba leeyabay kana soo bixi doono,” ayuu Maayarka Hargeysa.

Wasiirka Cusub ee Arrimaha Gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon
Wasiirka Cusub ee Arrimaha Gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon

Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa isna soo dhoweeyey wasiirka cusub ee Arrimaha gudaha, waxaanu yidhi “Wasiirka cusub waan ku hambalyeynaynaa in loo magacaabay wasiirka Arrimaha gudaha, haddii aanu shacabkii nahayna waanu soo dhoweynaa waana kula shaqaynaynaa wax kasta oo aad nooga baahato diyaar baanu u nahay”

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka  mid ah Mudaneyaasha golaha Wakiiladda Somaliland ee ka soo baxay gobolka Sool ayaa isna si weyn u soo dhoweeyey xilka cusub ee loo magacaabay masuul deegaankoodda ka soo jeedda, waxaanu yidhi “Labadda jago ee beesha dhexe mooyee cid kale aanay qaban waa taliyaha ciidanka Qaranka iyo wasiirka Arrimaha gudaha, maanta waxa gacantayada ku jirta wasiirkii Arrimaha Gudaha, oo ah wasaarad aad u balaadhan, waana soo dhoweynaa waana ku faraxsanahay in wasaaradaasi la noo magacaabo”.

Wasiirka Biyaha Baashe Cali Jaamac oo isna ka soo jeedda gobolka Sool kana hadlay munaasibadaas ayaa hadaladiisii waxa ka mid ahaa oo uu yidhi: “Madaxweynaha waxaan ugu mahad naqayaa xilkaasi culus ee uu u magacaabay Yaasiin Faratoon ee arriamaha gudaha, waxaanan is leeyahay wax badan buu ka tari doonaa wasiirkaasi dhinaca bariga, waanu kuugu ducaynaynaa inuu ilaahay kugu asturo, waxa kale oo aan u mahad naqaya maayarka Caasimadda oo casuumaddan nagu casuumay, wasiirka Arrimaha gudahana ku casuumay”

wasiirka Duulista1
Farxaan Aadan Haybe, wasiirka Duulista hawadda iyo gaadiidka Cirka

Farxaan Aadan Haybe, wasiirka Duulista hawadda iyo gaadiidka Cirka,oo ku hadlayey afkii masuuliyiinta la magacaabay ayaa madashaas hadal ka jeediyay, waxaanu sheegay inay maayarka Caasimadda uga mahad celinayaan maamuuskan uu u sameeyey iyo madashan uu iskugu keenay, waxaanu yidhi “Anigoo ku hadlaya afka masuuliyiin Madaxweynuhu dhawaan magacaabay, waxaan u mahad naqayaa saaxiibkey Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid qaddo sharaftan uu nagu maamuusay, gaar ahaan uu u sameeyey wasiirka Arrimaha gudaha oo ah wasiirka ugu tunka weyn wasiiradda ama ugu badan golaha wasiiradda Somaliland, waana ku faraxsanahay inuu noqdo nin oday ah oo ka qaybqaata horumarka iyo nabadgalyadda Somaliland ka jirta gaar ahaan inuu wax badan ka tari doonno goboladda Bariga Somaliland oo uu ka soo jeeddo”

Wasiirka Cusub ee Arrimaha Gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon ayaa uga mahadnaqay Madaxweynaha Somaliland xilkaasi uu u gartay iyo maayarka Caasimadda Hargeysa oo qaddo sharaftaas ku maamuusay, waxaanu yidhi  “Munaasibadan la igu casuumay waxaan u turjumayaa filashadda la iga rabo intay le’egtahay, in wax weyn la iga filanayo inay tahay,taasina baqdin badan ayey I gelinaysaa, waxaanan is leeyahay wax badan oo dalkan iyo dadkan waxtar u leh ayaa hawsha laguu igmaday ka qaban kartaa, ilaahay waxaan ka baryeyaa inuu igu asturo, waxa kale oo aan u mahad naqayaa maayarka Caasimadda oo casuumaddan igu maamuusay”.

Waxa kale oo iyaguna madashaas ka hadlay wasiirka Diinta iyo Aw qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi, wasiiru dawlaha arrimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda ka tirsan kuwaas oo masuuliyiinta cusub u hambalyeeyay, isla markaana soo dhoweeyey.

Waa casuumaddii ugu horeysay ee loo sameeyo masuuliyinta uu madaxweynuhu u magacaabay xilalka kala duwan, waxaanay maayarka caasimadda u mahad celiyeen sida wanaagsan ee uu u casuumay

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.