WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 29, 2019 (Saxafi) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu maanta soo saaray masuuliyiin cusub xilal ugu magacaabay, halka kuwo kalena uu xilalkii ay kaga caydhiyey..

JMadaxweynaha Somaliland xilalka ugu magacaabay Masuuliyiinta cusub kuwa kalena shaqada kaga eryey ayaa iyadoo dhammaystiran waxay u dhignayd sidan:

SomlegalAds

Be the first to know – Follow us on [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

WAREEGTO MADAXWEYNE 29/07/2019

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-351/072019, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Ku: Maxamed Daahir Axmed Furre;

Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

Ku: Cismaan Sheekh Cabdi Sheekh Maxamed Kaahin;

Maareeyihii Hay’adda Waddooyinka

Ku: Cabdi Nuur Sugaal;

Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Awdal

Ku: Naasir Ayjeex Jaamac;

Agaasimihii Fulinta Komishanka Qaranka ee Xakamaynta AIDS-ka

Ku: Maxamed Abiib Yuusuf;

Agaasimihii Daaweynta iyo Daryeelka ee Komishanka Xakamaynta AIDS-ka

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalka aad hayseen ee kor ku xusan:

Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.

UJEEDO: MAGACAABID

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

  1. Axmed Xasan Nuur (Axmed Taajir) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
  2. Axmed Yuusuf Maxamed Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Somaliland
  3. Cabdishakhuur Ismaaciil Muumin Aar Agaasimaha Fulinta Komishanka Xakamaynta AIDS-ka
  4. Maxamuud Ismaaciil Cilmi Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada
  5. Xamse Suldaan Aadan Faarax Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda
  6. Cawaale Faarax Cilmi Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Awdal
  7. Diiriye Cabdi Jaamac Xubin ka tirsan Guddida Qandaraasyada Qaranka
  8. Sahra Maxamed Xuseen Agaasimaha Daaweynta iyo Daryeelka Komishanka Xakamaynta AIDS-ka

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.