WorldRemitAds

Chicago, USA, March 17, 2012, (Saxafi) – Dawladda Maraykanka ayaa ku hawlan abaabulka shir u dhigma xidhiidhna la leh kii London ee Arrimaha Soomaaliya loo qabtay.

Ururo laga maamulo dalka Maraykanka oo kala ah The World Engagement Institute iyo National Strategy Forum ayaa sheegay in ay qabanayaan shir calaami ah oo ka waramaya Arrimaha Soomaaliya. Kaasoo la doonayo in bisha April 14 ee sanadkan uu ka dhaco magaaladaChicagoee dalka Maraykanka.

Labaddan urur ayaa shabakadaha wararka ku baahiyay in shirkan uu yahay mid aad u muhiim ah oo diiradda lagu saarayo sidii loo qorshayn lahaa mucaawinadda ay wadamada caalamku siiyaanSomaliaiyo sidii nabad gelyo looga dhalin lahaa dalkaas.

SomlegalAds

Waxa kale oo ay sheegeen labadan urur in shirkani aanu khusayin Soomaalida oo kaliya, balse uu sidoo kalle khuseeyo cidii danaynaysa arrimaha horumarka iyo xaalada amniga guud ahaa mandaqada Geeska Africa, arrimaha lagu soo qadayana waxaa ka mid ah sidda ay sheegeen amniga, raashinka, shuruucda,dhaqalaaha lagu horumarinayo dalka Soomaaliya, waxbarashada Iyo caafimaadka. Waxana ay cadeeyeen in shirkani  ku xidhiidhsanyahay shirkii horaantii sanadakan lagu qabtay magaladaLondonee dalka Ingiriiska.

Qabanqaabiyayaasha shirkani ma ay sheegin xubnaha ka qayb-galaya inay ku jiraan masuuliyiin ka socota Somaliland iyo in kale, balse waxaa ay cadeeyeen in aanu shirku u xidhnayn cid gaar ah, balse ay soo dhaweynayaan cid kasta oo arragti waxtar leh ku biirin karta xal u hellida dhibaatadda Gobolka geeska Afrika guud ahaan, gaar ahaanSomalia.

Dawladda Turkiga ayaa iyana shaacisay inay marti galinayso shir ku xidhiidhsankanlagu qabtayLondonoo qorshuhu yahay in uu ka dhaco magaaladdaIstanbulbisha Juun ee soo socota.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.