WorldRemitAds

Garoowe, Somalia, July 23, 2018 (Saxafi) – Madaxweynaha maamul goboleedka Somalia ee Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa khudbad u badan cabasho, islamarkaana uu ku dhexqaaday khilaafaadka-yar yare e gudaha Jamhuuriyadda Somaliland u jeediyey jaaliyadda Puntland ee ku dhaqan dalka Biljimka, kadib markii uu ka qaybgalay shirkii lagaga hadlaayey taageerada Soomaaliya ee ka dhacay xarunta Midowga Yurub ee Brussels.

Madaxweynaha Dawladda goboleedka Soomaaliya ee Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa khudbadiisu ka duwaneyd khudbadihii horey looga bartey, waxaana uu si weyn ugu kala gurey oo u falanqeeyey beesha dhexe ee dalka Somaliland isaga oo gaadhey in uu ka hadlo arrimaha dhexdooda ah beeshaas iyo khilaafaadka u dhexeeya, in kasta oo khudbadda Cabdi weli aanay wadan wax cusub iyo macne weyn ama rajo siyaasadeed, oo ay u badneyd mid laga soo minguuriyey fadhi-ku-diriryada Soomaalida, ayaa warbaahinta maamulkiisu ku tilmaantay mid hoosta ka xariiqdey fashilkiisa siyaasadeed iyo qorshe la’aanta dagaalka uu ku hayo Somaliland maamulkaasi.

SomlegalAds

Fallanqeynta Warbaahinta Puntland,

Cabdiweli Cali Gaas oo la doortey sanadkii 2014 ayaa ka duwanaa musharixiinta kale waxa uu hore u  noqdey raysalwasaare xukuumadii ku meel-gaadhka ahayd ee Somalia 2011-2012, kadib markii uu xilka wareejiyey waxa uu Puntland ku marey safar dheer oo uu ugu kuurgalay xaaladda Puntland oo markaas uu Madaxweyne ka ahaa Cabdiraxmaan Faroole. Dr. Cabdiweli Gaas waxa uu shir saxaafadeed ku qabtey magalada Gaalkacyo waxaana uu ka warbixiyey waxa shacabku u sheegay iyo talooyin uu soo jeediyey, waxaana kamid ahayd warbixintiisi: “….Waxay shacabku ii sheegeen in Gobolladii ku midoobay dhisitaanka Puntland 1998kii ay qaar ka mid-ihi aanay gacanta ugu jirin maamulka, qaarkoodna ay samaysteen maamulo u gaar-ah. Waxay kala-furashaadaas Puntland sabab uga dhigayeen maamul xumo iyo aragti la’aanta hogaanka sare ee Puntland……”

Sida ka muuqata codka Madaxweynaha Puntland uu duubay kadib kormeerkii uu Puntland ku kala bixiyey markii uu xilka raysalwasaaraha wareejiyey iyada oo ay Puntland ka taagneyd khilaafkii ka dhashey ururadii siyaasadeed iyo muddada xilka Madaxweynaha, ayuu dusha ka saaray Cabdiraxmaan Faroole sababta kala fur-furashada Puntland in ay tahay “Maamul xumo iyo aragti la’aanta hogaanka sare ee Puntland”

Haddaba Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas 2013 iyo 2014 waxa uu ogaa xaaladda dhabta ah ee gobolka Sool iyo midnimada Puntland halka ay taagan tahay waxaana uu baarlamaanka hortiisa ka sameeyey ballan qaad, isaga oo caddeeyey dadka reer Sool in lagu hoday haykal dowladnimo, haddaba shan sano kadib ballan qaadkiisi Somaliland waxay kaabiga ku soo qabatey caasimadda Puntland ee Garoowe iyada oo qorshaheedu yahay in xuduudkii isticmaarku sameeyay ee Somaliland iyo Somalia ay gaadhayaan.

Khudbadii Madaxweynuhu ka jeediyey magaalada Brussels ee xarunta dalka Biljimka ayaa ahayd mid uu dib u soo celiyey giraanta.

Wuxuu hore u yidhi faataxo laguma qabsan, faatoxana laguma soo celin karo, laakiin markan waxa uu u soo qaatey xigmad laga qoray Sheekh Bashiir oo culimo isugu yeedhay beri hore kana codsadey in ay qur’aanka kariimka ah dhalo (Quraarad) ku jebiyaan, habeenkii oo dhan ayey qur’aanka kariimka ah ku wadeen dhaladii yarayd ilaa ay jebin kari waayeen, laakiin Sheekh Bashiir ayaa dhaladii ulyar ku dhuftey oo jebiyey, Cabdiweli waxa uu arrintaas u soo qaatey in ficil loo baahan yahay, waxaase la is weydiiyay sababta uu qur’aanka tusaale uga dhigto in aanu waxba qaba karrin, horene Faataxadda ayuu u soo qaatay Haddana Sheekh Bashiir iyo Quraaradii  qur’aanku jabin waayey, haddii Sheekhaas rabbi ku hodey arrintaas, miyaanu Cabdiweli Gaas ogeyn in Allaah yidhi qur’aankan haddii aan ku soo jediyo buur (Jabal) waxay la burburi lahayd cabsi allaah, dhalo iska dhaafe, laakiin qof iyo tusaalihiisu waa is leeyihiin.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa isaga oo soo celinaya khudbaddiisi doorashada mar kale yidhi: “…..Magac Somaliland la yidhaahdo ayaa magaalada Oog lagaga soo duuley oo Tukaraq lagu joogaa, dadka reer Sool iyo Cayn waxa ay isku haleeyeen Dowladnimada Puntland, marka in la is weydiiyo waxa laga helaayo dawladnimo iyo waxay ugu fadhido waa su’aal xaq ah oo maanta taagan……..”

Haddaba su’aasha Madaxweynuhu is weydiiyey yaa mudan in uu ka jawaabo? Ma isaga mise shacabka? shan sano kadib, haddii uu Faataxo iyo qur’aanba ka tegey muxuu xoog ku qabsadey? Dhismihii ciidanka Puntland ee uu ballan qaadey xagee dhigay? Waa ayo fashilkiisa “….Ninka reer Puntland waxa uu keenay naftiisii, waxa uu la yimid qorigiisi, rasaastiisii anagu aanan u gadin, intaas keliya maahee wuxuu wataa adhigiisi iyo Geeliisi , dadka difaacaya Puntland waa kuwii aan Puntland wax nafci ah ku haysan kuwaas oo maanta u soo baxay in ay Puntland difaacaan…..” Cabdiweli Cali Gaas 19.07.2018 Brussels Tani waxay caddeyn u tahay fashilka siyaasadeed ee Cabdiweli, laakiin u haysto in uu xamaasad uga dhigo shacabka ka soo qaybgalay xafladdii lagu soo dhaweeyey.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha Puntland ayaa dhaliil u jeediyey jaaliyaddaha Puntland ee qurabaha, waxaana uu ka dalbadey dhaqaale in ay bixiyaan haddii kale aanay waxba weydiin karin. “….. Haddii aan idin nidhaahdo war orda oo naga taga oo idin dhegaysan mayno, miyaanan xaq u lahayn, maadaama aydinaan wax dhaqaale ah na siin, shilin managu sheegan kartaan?, ma naqaano in aad reerihiina u dirteen? Marka waxaa la rabaa adeerayaal dalku iska xoroobi maayo, dhaqaale ayey u baahan tahay, anaguna dhaqaale ma hayno…..”.ayuu yidhi.

Si kastaba ha ahaatee, Puntland ayaan wax mushahar ah laga qaadeen muddo 11 bilood ah, wax kastana gelinaysa dagaalka ay ka waddo Tuullada Tukaraq ee Somaliland oo aanay waxba uga suurtagelin ilaa hadda, islamarkaana ay isku wadda hiifeen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.