WorldRemitAds

Burkina Faso, November 03, 2014 (Saxafi) – Axsaabta siyaasadda ee Burkina Faso ayaa ku baaqay dibadbaxyo ballaadhan oo shalay oo Axad ah dalkaas ka bilaabmay, kaasoo lagaga soo horjeedo go’aankii militerigu talada kula wareegeen saddex  maalmood ka dib  markii la eryey Blaise Campaore oo mudo 27 sano ah dalkaas soo xukumayey.

Mucaaradka ayaa ku doodaya inaan sinaba loo ogolaan karin in militerigu xoog ku afduubaan kacdoonkii dadweynaha oo ahaa rajada keliya ee laga lahaa hanaan maamul oo dimuqraadi ah oo dalkaas ka hirgala.

Dhanka kale Midowga Afrika, Maraykanka iyo Faransiiska ayaa cambaareey tallaabada militerigu qaadeen iyagoo ku baaqay in talada sida ugu dhaqsaha badan loogu wareejiyo rayidka.

SomlegalAds

Hadalka ka soo yeedhay axsaabta siyaasadda Burkina Faso wuxuu imaanayaa maalmo kadib markii la shaaciyey in dalka si ku meel gaadh ah uu u sii hogaamin doono Kol. Isaac Zida oo isagu hore u ahaa taliye ku xigeenkii ilaalada gaarka ah ee madaxtooyada.

Ugu yaraan 30 qof ayaa geeriyoodey in ka badan 100 kalena way ku dhaawacmeen dibadbaxyo rabshado wata oo maalmihii u dambeeyey dalkaas ka dhacayey, kaasoo lagaga soo horjeeday wax ka badel la doonayey in lagu sameeyo dastuurka si uu xukunka usii dheereysto madaxweynihii la ridey ee Blaise Campaore.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.