Muqdisho, Soomaaliya, November 6,2014 (Saxafi) – Khilaafka u dhexeeya madaxda dalka ayaa kor u sii laba kacleeyey ka dib markii ergayga Qaramadda midoobay ee Nchalos Kay aflagaaddo u geystay xildhibaanadda Soomaaliya, isla markaana ku tilmaamay qaar sida xoolaha loo kala iibsado oo wakhtiyadda khilaafyadda ka faa’iidaysta Hanti iyo dhaqaale.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si adag u difaacay eedahaasi xildibaanada, halka Xildhibaanadda Soomaaliya raali galin ka dalbadeen ergaygaasi, isla markaana sheegeen inuu meel kaga dhacay karaamaddii dalka Soomaaliya.
Maalmihii u dambeeyey ayaa baarlamaanka Soomaaliya laga darameeyey dhaq dhaqaaqyo iyo mooshino iska soo kala horjeedda, iyagoo xildhibaanaddu sheegay in lagu kala bixi doono sharciga.
Labada garab ee ay xildhibaannadu u kala jabeen ayaa dibadda si cad ugu soo baxday kaddib markii ay Muqdisho kulammo iska soo horjeeda ku yeesheen mudanayaal kala taageersan madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud iyo Ra’iisul wasaarihiisa, Cabdiweli Sh. Axmed, kuwaasoo qaarkood ay sheegeen in la doonayo in baarlamaanka la keeno mooshin sharci-darro ah, halka kuwa kalena ay xuseen in mooshinku yahay xalka ugu dambeeya ee lagu dhameyn karo khilaafka madaxda sare ee dalka. “Mooshinku waa xalalka midka ugu dambeeyay, marka hore madaxda dalka haddii uu soo dhex-galo khilaaf, waxaa wanaagsan inay iyagu si hoose ku dhameystaan, balse haddii ay noqoto inay khilaafka xallin waayaan oo aanay wada-shaqeyn karin, waxaa xal noqonaya in mooshin lagu kala saaro,” ayuu yidhi xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo saxaafadda la hadlayay.
Xildhibaan Maareeye ayaa hadalkiisa ku daray in khilaafka madaxda dalka uu soo taagnaa sideeddii bilood ee ugu dambeysay, isagoo tusaale ahaan u soo qaatay in markii la magacaabay xukuumadda la isla gaadhay habeenka gallinkiisa dambe, ummadda Soomaaliyeedna ay markhaati ka tahay inuu khilaafka madaxda sare weli jiro. “Haddii xal la waayo, xildhibaannadu waxay wax ku xallin karaan Mooshin, waana mid ay xaq u leeyihiin, haddii aanay madaxdu wada-shaqeyn karin oo xal dastuuri ah ku dhameeyaan khilaafka,” ayuu hadalkiisa raaciyey.
Sidoo kale, waxaa jira xildhibaanno kale oo iyaguna aaminsan in mooshinka la wadaa uu yahay mid aan sharci ahayn, iyagoo ku taliyay in madaxda dalka ay khilaafkooda ku dhameeyaan si hoose, iyagoo ka digay in mooshin la hor-keeno baarlamaanka. “Anigu waxaan u arkaa in mooshinka la diyaarinayo aanu ahayn mid sharci ah, waayo khilaafku wuxuu u dhexeeya madaxweynaha iyo Ra’iisul waasarihiisa, waxaanan qabaa in labadoodu ay khilaafka xal ka gaadhaan, sidoo kalena xubnaha baarlamaanka iyagoo danta guud eegaya waa inay ka shaqeeyaan in khilaafka la xalliyo inta aan mooshin la keenin,” ayuu Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia.
Labada mas’uul ee dalkaas ugu sarreeya ayaa loolan adag ku jira, iyadoo labada mas’uul ay xod-xodasho kula jiraan xildhibaannada baarlamaanka Somalia, iyadoo xildhibaannada baarlamaanka si weyn looga dareemayo saameynta khilaafka madaxda dowladda Soomaaliya.
Dhanka kale, waxaa jira xildhibaanno qaba in khilaafka madaxda dalka lagu dhameeyo si sharciga waafaqsan, iyadoo meesha laga saarayo waxay ugu yeedheen nin jeclaysi.
Si kastaba ha ahaatee, khilaafkan ayaa ka bilowday markii Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Cabdili Sheekh gurka ka guray xubno muhiim u ahaa madaxweynaha oo golaha uu ku dhexlahaa, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen wasiirkii hore amniga Guuleed, taliyihii sirgudoonka Sanbalooshe iyo hadda oo uu xilkii uu hayey ka wareejiyey wasiirka Cadaaladda Faarax oo ah nin si weyn uu uga tallo qaato madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo intaas oo arrimood jiraan ayaa hadana Ra’isal wasaaraha Somaaliya heshiish u gaar ah la gallay maamulka Puntland taas oo loo arkay in laba nin oo isku reer ahi heshiish kala saxeexdeen, isagoo Ra’isal wasaaruhu dalabyaddii ay puntland doonaysay oo dhan u fuliyey. Taasna waxa kabiyo Diiday Madaxweynaha oo aan wax talo ah laga siin, taasina waxay keentay in khilaafka labadda masuul cirka ku shareero, isla markaana uu madaxweyne Xasan Qarsan kari waayey dagaalka hoose ee Ra’isal wasaarahaasi ku hayo.
Khilaafka madaxda dalka ayaa waxaa dhanka kale walaac aad u xooggan ka muujisay beesha caalamka, waxayna ku tilmaameen khilaafka uu sabab u noqon karo burbur ku yimaada horumarkii dowladdu gaadho, iyadoo sidoo kale uu khliaafku walaac xooggan geliyay qaybaha bulshada Soomaaliyeed.
Haseyeeshee waxa la dhawrayaa masuulka ay seeftu ka la kici doonto iyo ka ay beesha caalamka iyo dalalka jaarku garabka siin doonaan, inkastoo laga walaacsan yahay in dawladda la dhisay ay dib u dunto.