Qatar Oo Toos Ugu Biirtay Dalalka Ku Loolamaya Dekedaha Badda Cas Iyo Badweynta Hindiya

Qorshihii hore ay Qatar ugu guulaysatay ee DP World lagaga Saaray Djibouti Ma Uga Hirgeli doonaa Somalia, Gaar Ahaan Maamul-goboleedka Puntland

0
134
PropellerAds

Muqdisho, Somalia, July 05, 2018 (Saxafi) – Waxaa isa soo taraya tirada dalalka danaynaya in ay maamulaan dekeddaha Soomaaliya, taas oo mararka qaar horseeday xasarad dublamaasiyadeed maadaamaa dalalka ka mid ah kuwa dekedaha raba aad isugu dhacsan yihiin.

Dalkii ugu dambeeyay ee soo bandhigay damaca uu ka qabo dekedaha ayaa ah dalka Qatar, kaas oo wefti wasaaradda dekedaha ka socday u soo diray Soomaaliya, kuwaas oo kulamo la qaatay Raysal-wasaare Xasan Cali Kheyre.

Sida lagu faafiyay warbaahinta dawladdaas, socdaalka weftiga ayaa ahaa mid kormeer ah ka dib heshiisyo ay hore u wada galeen Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo madaxda dawladda Qatar mar uu madaxweynaha dalkaasi tegay magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qatar.

Ra’isulwasaare Kheyre oo weftiga la hadlay ayaa laga soo xigtay in uu sheegay in ay Soomaaliya u furantahay cid kasta oo doonaysa in ay maalgashi ku samayso dekedaha Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa ay weftigani booqdeen dekedda Hobyo shalay oo ay soo indha indheeyeen sida la wariyay.

Dalalka Kale ee dekedaha danaynaya

Illaa iyo hadda waxaa heshiisyo dhaqan galay iyo kuwa aan wali dhaqangalin lala galay illaa 3 dhinac oo isugu jira shirkado iyo dawladdo.

Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga, Al Beyraak, ayaa muddo sanado ah maamulaysa dekedda weyn ee Muqdisho, taas oo ah tan ugu weyn Soomaaliya.

Shirkad kale oo laga leeyahay dalka Imaaraatka oo magaceedu yahay DP World ayaa heshiis la saxeexatay iyo maamulka Puntland, waxayna la wareegtay maamulka dekedda Boosaaso.

Sidoo kale, Somaliland oo sannadkii 1991 madaxbanaanideedii dib ugala soo noqotay Midowgii laysku odhan jiray Somali Republic ee ay la gashay Soomaaliyadii Talyaaniga 1960-kii, ayaa heshiis maalgelineed ka heshay shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta, hase yeeshee Madaxweynaha iyo dawladda taagta daran ee Somalia, ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay inay hor-istaagaan, isla markaana waxay xukuumadeeda iyo Baarlamaankeega aan Muqdisho dhaafsiinayn ay soo saareen qaraaro ay shirkadda DP World kaga mamnuuceen inay maalgeliso dekedaha Somalia iyo weliba Somaliland oo ay madaxbanaanideeda diidan yihiin, waxaana taas lagu tilmaamay qorshe uu Farmaajo ka soo qaatay dawladda Qatar oo iyadu lacag aad u badan ku bixisay, isla markaana la ogsoon yahay inay doorashadiisii Madaxweyne-nimo iyadu sabab u ahayd, taas oo khilaaf xoogani u dhexeeyo dawladda Imaaraadka iyo kuwo kale ee Khaliijka Carabta oo iyagu dalka Qatar xidhiidhka u jaray isla markaana xuduudaha ka xidhay sannadkii hore ee 2017.

In kasta oo ay heshiisyadaasi diidday dawladda Soomaaliya, haddana Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed kula heshiiyay in Itoobiya ay maalgashato 4 dekedood oo ku yaala Soomaaliya.

Itoobiya ayaa saami 19% ah ugu leh maalgelinta dekedda Berbera ee dalka Somaliland, kaas oo ay ka iibsatay shirkadda DP World iyo xukuumadda Somaliland.

Sababta ugu weyn ee dalalkani ay ugu kala loolamayaan dekedaha Soomaaliya ayaa ah meesha ay adduunka kaga taalo, taas oo ah meel muhiim ah, isla markaasna uu maro ganacsiga adduunka intiisa badan.

Hase yeeshee dalalka qaar sida Itoobiya oo aan lahayn bad, waxa ay dekedaha Soomaaliya u qabtaa baahi rasmi ah, waxayna rabtaa in ay kala soo dagaan badeecooyinka tirada badan ee dibedda uga yimaadda ama waxyaabaha ay dhoofiso.

Dagaalka U Dhexeeya Qatar Iyo Imaaraatka

Dalka Qatar ayaan isagu lahayn shirkado caalami ah ama maalgashi ku sameeya dekedaha dunida, balse talaabadan ayaa ah mid ay kula xafiiltamayaan dawladda Imaaraatka iyo shirkadeeda Caalamiga ah ee DP World oo iyadu in ka badan siddeetan Dekedood oo caalami ah maamusha, iyadoo ay dawladda Qatar hore ugu guulaysatay inay iska horkeento dawladda Djibouti iyo shirkaddan DP World oo gacanta ku haysay dekedda ugu weyn dalka Djibouti ee ay ka soo degaan Koontiinaradu ee Dooraale, taas oo ay dawladda Djibouti mar keliya horaantii sannadkan xoog ugula wareegtay dekedii ay gacanta maamulkeeda ku haysay DP World oo heshiiis kula jirtay Djibouti, tallaabadaas oo si weyn dunida uga yaabisay laguna tilmaamay tallaabo dhaawac ku keeni karta maalgelin caalami ah oo ay Djibouti iyo guud ahaan dalalka Geeska Afrika ka heli karaan dalalka iyo shirkadaha caalamiga ah, iyadoo muujinaysa kalsooni darro. 

Sidaas darteed, su’aashu waxay tahay Cabdiweli Gaas, hoggaamiyaha Maamul-goboleedka Puntlad oo heshiis maalgelineed hore ula galay DP World, isla markaana ilaa wakhtigan ku adkaysanayey inuu heshiiskaasi yahay mid sidiisa u fulaya, ma ku sii adkaysan doonaa go’aankiisaa hore ee heshiiska uu kula jiro DP World, mise wuxuu mari doonaa dariiqii Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geellaha Djibouti oo waxa uu raaci doonaa carqaladaynta mashaariicda horumarineed ee ay dawladda Qatar duullaanka ku tahay inay ka hor istaagto Imaaraatka iyo Shirkaddiisa DP World?

 

 

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.