Hargeysa, Somaliland, December 4, 2015 (Saxafi)-Labadii weriye ee ahaa Masuuliyiinta Wargeyska Hubsad oo maalmihii u dambeeyey ku xidhnaa xarunta Ciidanka Dambi-baadhista Somaliland ee Hargeysa, ayaa shalay la sii daayey.
Labadda weriye oo kala ahaa Mulkiilaha wargeyska Hubsad ahna Agaasimaha Bulshotv Cabdirashiid Nuur Wacays iyo Tifaftirihii Wargeyskaasi Siciid Khadar Cabdilaahi, ayaa lagu guulaystay in laga sii daayo xabsiga, ka dib dedaal dheer oo ay u galeen Ururka Solja.

Labaddan wariye ayaa waxa xadhigoodda amartay xeer ilaalinta guud ee Somaliland, kaas oo ku eedeeyey inay soo saareen wargeys aan sharciyad u lahayn, haseyeeshee, labadan masuul ayaa iyagu ku dooday inay sharciyadda wargeyska haystaan.