WorldRemitAds
California USA, December 04, 2015, (Saxafi) – Ugu yaraan afar iyo toban qof ayaa dhintay 17 kalena way ku dhaawacmeen weerar lala beegsaday xarun lagu tababaro dadka naafada ah oo ku taalla gobolka California ee Maraykanka.

Saddex qof oo aad u hubaysan ayay wararku sheegayaan inay weerarkan ku qaadeen xarunta oo ku taalla magaalada San Bernardino oo ka tirsan California. Warku waxaa uu sheegayaa in saddexda qof ee weerarka geystay sida loo malaynayo laba ka mid ah la dilay kuwaasoo wararku ku sheegeen inay ahaayeen nin iyo haweenay is qaba oo magacyaddooda boolisku ku sheegay u Syed Rizwan Farook oo 28 jir ahaa iyo Tashfeen Malik oo 27 jir ahay. Warku waxaa uu sheegay in ninku haystay dhalashadda Maraykanka, gabadhuse ay haysatay Vise loogu dhuftay Baasaaboor Pakistani ah oo ay dalkaas ku gashay sanadkii medium_bcE40D9v2014-kii. Wararku waxaa ay sheegayaan in afar qori oo hawlgalkan lagu fulliyay si sharci ah loo iibsaday. Durba ciidamada amaanka ee Maraykanku waxaa ay ku doodayaan in ugu yaraan hal mar ninku tagay Pakistan, islamarkaana uu xidhiidh la lahaa kooxo ay ku sheegeen argagixiso. Laakiin, faahfaahin dheeraad ah ma ay bixin.
Booliska ayaa toogtay laba ka mid ah dadkii weerarka gaysty ka dib markii saacado ka dib ay waddooyinka magaalada ku arkeen baabuurkii ay kooxda weerarka fulisay ku baxsadeen, wararka hordhaca ayaa sheegaya in boolisku ay gacanta ku dhigeen nin kale oo oo ka mid ah kuwa weerarka fuliyay. Magaalada weerarku ka dhacay ayaa u dhow magaalada weyn ee Los Angles. Illaa hadana lama faahfaahin sababta weerarkan keentay iyo waxaa uu ahaa ujeedadiisu.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.