WorldRemitAds
Gaalkacyo, Soomaaliya, December 4, 2015 (Saxafi)-Ugu yaraan toban qof ayaa ku geeriyooday in ka badan tobaneeyo qof oo kalena way ku dhaawacmeen dagaalo cusub oo dib uga soo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dagaalkan oo u dhexeeya ciidammo kala taabacsan maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa wuxuu ku soo beegmayaa maalin ka dib markii ay heshiis Gaalkacyo ku kala saxeexdeen labada madaxweyne ee Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Puntland, Cabdiweli Gaas.
Khasaarihii_hantiyeed_ee_dagaalkii_gaalkacyo (3)Sidoo kale, wararka la helayo Gaalkacyo ayaa sheegaya in madaafiic culus ay dhinacyadu isku dhaafsanayaan badhtamaha Gaalkacyo, iyadoo hoobiyeyaasha la is-weydaarsanayay ay ku dhaceen qaarkood xaafado ay dad shacab ahi ku nool yihiin, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka soo gaadhay shacabka.
Cisbitaallada magaalada Gaalkacyo ayaa la geeyay dhaawacyada ciidamada dagaalku u dhexeeyo, iyadoo war-saxaafadeed uu maamulka Galmudug soo saaray lagu xusay in dagaalka Gaalkacyo ka qarxay uu ka billowday weerar ay ciidanka Puntland soo qaadeen. Halka dhinaca kallena ka beeniyay eeda dagaalkana dhinaca Galmudug u riixay.
Dagaalkan ayaa noqonaya kii sadexaad oo Gaalkacyo ku dhexmara ciidamada kala taabac-san Puntland iyo Galmudug muddo laba toddobaad gudahood ah ku dhexmara magaalada Gaalkacyo ee xarunta Galmudug.
Waxaa kaloo, wararku ay sheegayaan in wafdigii Ra’isal wasaaraha Somalia uu hoggaaminayay oo ay ka mid ahaayeen wasiirro iyo madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya hoteelkii ay daganaayeen ay qabsadeen dhowr madfac. Iyaddoo dagaalku aakhirkii iskii isku taagay.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.