Lama garanayo sababta askarigani u toogtay taliyihiisa, haseyeeshee ciidankaasi ayaa markiiba ku guulaystay inay gacanta ku dhigaan ninkan dilka geystay, iyadoo lagu xidhay saldhiga dhexe ee Berbera, iyadoo markiibana Taliyaha loola cararay Cisbitaalka Berbera.TACSI MADAXWEYNE
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa Saraakiisha, Saraakiil ku xigeenka, Ciidamada Booliska iyo masuuliyiinta kala duwan ee Ciidamada Qaranka Somaliland, isagoo ka tacsiyadaynaaya geerida Taliyihii Ciidanka Birmadka Gobolka Saaxiil Marxuum Aadan Guuleed Daahir (Talaabo) oo 17-12-2015 uu Askari ka tirsan Ciidanka Boolisku ku diley Magaalada Berbera.
Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay marxuumku.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu alle uga baryayaa marxuumka inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo shacabka iyo Ciidamada Qarankana samir iyo iimaan ka siiyo marxuumka.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.
































