WorldRemitAds

Faallo: Maxamed Cumar Sheekh

Wasiirka cusub ee wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare Cabdillaahi Ibraahim Habane ayaa ka badbaaday guul-darro uu kala kulmi lahaa shirweynaha xisbiga Kulmiye ee la filayo in la qabto tobanka Noofambar ee soo socota ka dib markii uu si degdeg ah uga tanaasulay musharraxnimadiisa mansabka madaxweyne ku xigeenka, isla markaana u taageeradiisa ku biiriyey musharraxnimada mansabkaasi ee Madaxweyne ku xigeenka haatan Cabdiraxmaan Saylici.

Wasiirka Waxbarashada Somaliland, Cabdillaahi DheereCabdillaahi Dheere oo tanaasulkiisa musharraxnimada mansabka Madaxwayne ku xigeenka xisbiga Kulmiye markhaati uga dhigay kulan ballaadhan oo ka dhacay caasimadda laguna casumay xubnaha Golaha dhexe ee xisbigaasi kaga jira Gobolka Awdal ayaa taageero loogu muujinayey Madaxweyne ku xigeenka haatan Cabdiraxmaan Saylici inuu mar labaad mansabkaasi isku soo taago, halkaasoo Cabdillaahi Dheere maalin ka hor intii aan loo magacaabin xilka ka sheegay in isaga iyo xubnaha Golaha dhexe ee reer Awdalba ku daba faylaan musharraxnimada Madaxweyne ku xigeenka haatan.

Wasiirka cusub ee waxbarashada saaxadda siyaasaddana soo galay dhawr iyo toban sano ka hor wakhtigaas oo madaxweynihii hore ee dalka Daahir Rayaale uu meesha uga saaray wasiirkii hore ee kallumaysiga Axmed Xuseen Oomane wakhtigaasoo u shaqo ka bilaabay Golaha Guuritda Somaliland oo uu ilaa intii aan loo magacaabin xiligan u ahaa xoghaye, tan iyo burburkii xisbul xaakimkii hore waxaa lagu tirin jiray siyaasiyiintii hagaysay UDUB, aadna waxaa ay isugu dhawaayeen Madaxweynihii hore ee dalka Daahir Rayaale.

SomlegalAds

Cabdillaahi Dheere oo maanta ka dallacay xoghayenimadii Golaha Guurtida ayaa Marka dib loo raaco taariikhda siyaasadeed ee uu ku hindisay inuu isku soo sharraxo Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa waxa uu la bilaabay xukuumadda Kulmiye, isagoo tan iyo waagaa Boorama iyo Hargeysaba ka bilaabay kaambayn hoose iyo abaabulka beelaha uu ka soo jeedo, qayb libaaxna ka qaatay abaabulka shirbeeleed ka dhacay deegaanka Xeego ee ku dhaw Boorama afar sano ku dhawaad ka hor, intaa wixii ka dambeeyaydna waxaa uu wasiirka waxbarashadu sii xoojiyay hindisahaasi, waxaana uu ka mid noqday siyaasiyiinta ugu firfircoon beelaha uu ka soo jeedo marka lagu daro Guddoomiye ku xigeenka xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed.

Inkastoo Cabdillaahi Dheere tijaabadii siyaasadda ee u horreysayba ku turunturrooday musharraxnimada mansabka madaxweyne ku xigeenka uu iskaga soo sharraxay mid ka mid ah ururadii siyaasadda ee ku hadhay doorashooyinkii golayaasha deegaanada dalka ayaa si aanu mar kale ugu turunturroon musharraxnimadiisa maanta ee madaxweyne ku xigeenkana Cabdillaahi Dheere, xilka wasiirnimada ka doorbiday guul darro kale oo ka raaci lahayd doorashooyinka golaha dhexe ee Kulmiye maadaama aanu waqti badan gelin, islamarkaana uu siyaasad ahaan muddo dheer dagaal kula soo jiray.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.