WorldRemitAds

“Maanta maaha beelo inay musharaxiin yihiin ee waa saddex musharax waa Muuse oo aad taqaanaan, Cabdiraxaan Cirro oo aad baarlamaanka ku barateen oo feedhkiisa garanaysaan iyo  Faysal Cali Waraabe…” Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe

Boorama, Somaliland, September 19, 2017 (Saxafi) – Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo ka qaybgalayey qali jabinta jaamacad ku taalla magaaladda Boorama ayaa ka sheekeeyey faraqa u dhexeeya markii Soomaaliya la wada ahaa iyo imika markii Somaliland gaar ula soo noqotay xornimadeedii faa’iidadda ay shacabka u leedahay.

Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe ayaa gobolka Awdal ku dhaliilay in ay marti galiyeen dad madax dhaqameed ah oo gobolkaas u tagay in musharax reerkoodda ah la doorto, waxaanu sheegay in gobolkaasi yahay hoyga tacliinta Somaliland, isla markaana aanay aqbali doonin in odayaal af reer ku hadlayaa ku doodaan in reernimo lagu doorto.

SomlegalAds

“Horta Xamar waxaan tagay shan iyo lixdankii, waxaanan u tagay waxbarasho, maalinta basku naga yimaado illaa Lafoole ayaan soo lugayn jirnay oo sidii wadan shishe oo kale ayey ahayd oo qariib baanu ku ahayn cid aad ka garanysaa ama aad la hoyotaana ma jirto, waxa wakhtigaasi wasiirka waxbarashada ahaa nin la odhan jiray Keenadiid oo ay adkayd in aanu Af Soomaali isku fahanno, maanta wasiirkeena waxbarashaddu waa Cabdilaahi Dheere oo magaaladda Boorama shan jaamacadood ayaa ku yaalla, waa faa’iidada ay leedahay qaranimadda aynu dib ula soo noqonay.”ayuu yidhi mar uu is barbar dhigayey Somaliland iyo Soomaaliya.

Faysal Cali Warabae oo aqoonyahanka gobolka Awdal ku guubaabinayey in aan reernimo loo cadayn ee musharax walba gaarkiisa iyo waxa uu qabanayo lagu doorto, waxaanu dhaliilay madax dhaqameed gobolka Awdal ku sugan oo Faysal isku reeryihin oo uu sheegay af reer ku hadlayaan oo reernimo ku taageerayaan musharax, isagoo arrintaasi naqdiyaya waxa uu yidhi “Idinku (Awdal) waxaad noqoteen hoygii tacliinta ee Somaliland, laakiin waxa isku kay qaban la’ idinoo Somaliland u ah hoygii tacliinta oo boqolkiiba konton dhalinyaraddu ay aqoon leeyihiin in kolba beeli idin timaado oo tidhaahdo reer hebel hadii aanu nahay cod na siiya, waa wax laga yakhyakhsoodo ma beel baynu dooranaa, mise musharax baynu dooranaa, haddii aynu maanta beel doorano barina beel baad marti u tihiin, cod baan idin siinee wasiir na siiya, marka waxaan jeclahay inaad beelaha la dagaalantaan oo qabiilka la dagaalantaan mutacaliintow, madax dhaqameedka halkan jooga ee beesha aan ka tirsanahay ah, waxba ma sidaan oo reer walba way la shirayaan oo ku leeyihiin waxaan idin siinaynaa wasiir aan dhicin, agaasime aan dhicin,  imisa wasiir bay bixin karaan, tanni lixdan weeyi ta soo socotaana boqol wasiir bay ka dhigi doonaan waa kuwaa kolba reer la balamayee”

Mar uu saddexda musharax sharaxayey waxa uu yidhi “Maanta maaha beelo inay musharaxiin yihiin ee waa saddex musharax waa Muuse oo aad taqaanaan, Cabdiraxaan Cirro oo baarlamaanka ku barateen oo feedhkiisa garanaysaan iyo  Faysal Cali Waraabe oo reer Boorama ah oo aad taqaaniin, marka yaa la idin khaldin ee jaaniskii gacantiina ayuu ku jiraa, Boorama waxay noqonaysa meesha kala saaraysa habraha insha alla xagayaga ayaad soo mari doontaan”

Dhinaca kale, waxaa uu amaan u jeediyay  Faysal guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha. Guddoomiye  Eng. Faysal Cali Waraabe oo shalay hadal ka jeedinaayey Ardayda ka qalinjabisay Jaamacadda Horn International oo madax badan oo Qaranka Somaliland xilal kala duwan ka haysa kala qaybgaleen, ayaa ka markhaati kacay dedaalka iyo kartidda hawlaha qaranka uu u hayo  masuulka dada yar ee guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha Somaliland md sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo isaguna madashaasi ka soo qayb-galay.

Murashax Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaayey shaqsiyadda halyeynimadda iyo mustaqbalka ifaaya leh ee masuulka dada yare ee Guddoomiye md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle waxa uu yidhi.

 “Horta Sharmarke yare (Sharmarke Axmed Muxumed Geelle) waa Xiddig soo baxaysa (Rising Star) oo aan jeclahay in dhalinyarta Somaliland aad ku wada dayan doontaan, bahasha hogaanimadda iyo madaxnimadda 50 jirka iyo 60 jirka kuma timaado ee yaraanta ayey ku soo bilawdaa, kolka Sharmarke waa hogaan soo socda Isha alaah, waxaynu arki doonaa maalin maalmaha ka mida isaga oo masuul sare ah Isha alaahu tacaala ee ku dayda walaalayaal” Murashax Faysal Cali Waraabe.

Gudoomiyaha hay’ada shaqaale Sharmaarke Geelle ayaa ah nin dhalinyaro oo dadaal ugu jira sidii shaqaalaha dawladda loo tayeyn lahaa,isla markaana shaqadda cadaalad lagu heli lahaaa.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.