Hargeysa, Somaliland July 31, 2016 (Saxafi) – Qorayaasha ka qayb galay carwaadii bandhiga bugaagta Somaliland oo lagu soo gabagabeyee magalada Hargeysa, ayaa waxa ka mid ahaa qoreyaasha bugaagta ku soo bandhigay carwada wiil aad u Da’yar oo magaciisa la yidhaahdo Cabdiraxmaan Cali Kaahin.
Cabdiraxmaan Cali Kaahin ayaa ka socday gobolka Maroodi-jeex ayaa nooga sheekeeyey sababta ku kaliftay inuu buug qoro maadaama oo uu yahay wiil aad u da’yar, isla markaana qoraalku dhib badan yahay.
Ugu horeyn, Cabdiraxmaan Cali Kaahin oo ka waramaya taariikhdiisa waxa uu yidhi “ waxaan ahay shan iyo toban jir, waxaan ku dhashay magaaladda Hargeysa, gaar ahaan xaafadda Xidigta, waxaana waxbarashadaydii ka bilaabay malcaamad quraan la odhan jiray Cali Binu Abu Daalib, waxaan hadda maraya dugsiga sare fasalkiisa saddexaad ee dugsiga sare”
Mar uu ka hadlayey waxa ku dhaliyey buugaan waxa uu yidhi “Waxa igu dhaliyey in aan qoro buugan markaan arkay moognaanta bulshaddii aqoontan iska lahayd, isla markaana in aan dadka ka dhaadhicino in ay dadka yaryar ay wax qori karaan, waxaanu buugani ka hadlayaa cilmiga Xidigiska oo uu si aad ah u tafsiirayo, cilmiga Xidigiska sideed god iyo bilaha god iyo bilaha run ahaantii ka hadlaya sida ay Soomaalidu u adeegsadato iyo wax ay ka aminsanaayeen habeen walba, wax yaabahan kale ee aan buugani kaga hadlayo waxa ka mid ah habeentirsigi Soomaalida oo uu isna si faahfaahsan ugu hadlayo habeen-tirsiga uu ka hadlayo waxa ka mid ah bilihii bilaha waxa ka mid ah, Dako, Mawliid,Rajallo Danbe, Rajallo Dhexe, Rajalo hore, Sab-buux waa Baris, kuwaas waa bilihii ay Soomaalidu asalka u lahayd buugu waxa kale oo uu ka hadlayo waxa ka mid ah gar nagsiqii, Gar nagsiga oo maxkamada ugu wayneyda ee ay Soomaalidu lahayd waxa ay ahayd geedka hoostiisa oo lagu kala gar qaadan jiray dad badana ay magac ku lahaayeen sidii Ina Sanweyne, wax yaabaha kale ee aan ka hadlayno waxa ka mid ah guurka iyo sahamintiisa oo isaguna aqoon ku dhisnaa sida uu rasuulkeenu (scw) inoo sheegay calaamadihii gabadh laga eegi jiray ee lagu soo dooran jiray ee la raaci jiray asluubkii wanaagsan ee dadkaasi lahaa wax yaabaha kale ee uu buugani ka hadlayo waxa ka mid ah xikmadii sida wax loo barto oo Soomaaliddii hore ku xeel dheerayd, xikmadaas waxa ka mid ah heestan ka soo gasha Radio Hargeysa ee walee nin hurdow halawday dantaa anigu markan maqlo heesta hadaan hurdo waan kacaa hadaan socdana waan talaabo dheereeyaa, waayo waxa ay xikmadaasi samaynaysaa shaqsiyadaad ama naftaada wax yaabaha kale ee ay ka hadlayso waxa ka mid ah soomaalida iyo dhinaca caafimaadka sida ay ku ahaayeen ma waxa ay isticmaali jireen , waxa ay xanuunada iskaga dawayn jireen dhirta waxa kale oo ay yaqaaneen in xanuunada laysku dhalo lana kala dhaxlo, waxa kale oo ay Soomaalidu isticmaali jirtay calool istaaga, wax ay Soomaalida iskaga daweyn jirtay geedad badan oo ay ka mid tahay jaleeladu wax yaabaha soomaalidu ku xeel-dheerayd waxa kamid ah xisaabadka xisaabaadkaas oo aan ahayn isugeyn iyo kala goyn, xisaabaadkaas oo ah Aljabra iyo Istatigisa oo ay geelooda ku tirsan jireen si xeel-dheerna u yagaaneen waxa kale oo kamid ah oo ay aad u yaqaaneen cilmiga ganacsiga oo ay aad ugu wanaagsanaayeen wax ay xidhiidh la samayn jireen haday nogoto masaaridi hore iyo Ingiriskii, Cadan oo kale oo ay u kale gooshi jireen waxa yaabaha ugu badan ee uu buugu ka hadlayo waa kuwaas.
Mar la waydiiyey isagoo aad u yar sababta uu buugaas cilmiga badan ka buuxaan iskugu dayey inuu qoro, waxa uu yidhi “Buugan waxa igu dhiiri galiyey in aan qoro marka koobaad in bulshadeenu inay tahay bulsho aqoon badan lahayd, isla markaana ay moogtahay aqoontoodii hore iyo dadkoodii hore aqoontay lahaayeen, buugan wakhti badan ayaan galiyey, buugan qoraagiisa waxa aan bilaabay 2015-ka dabayaaqadiisa intii lix iyo tobanku socdayna waa waday waxa aan buugan galiyay wakhti aad u badan walib intii fasaxa lagu jiray buugan intii uu socday waxa iga caawiyay macalinkayaga Taariikhda Nimcaan,
Waxa aan u mahad celinyaa gudoomiye Caydaruus Sangayd, macalinkayga Jimcaale intaas Ayaan ugu mahad celinaynaa”