Boosaaso, Soomaaliya, December 8, 2015 (Saxafi) – Askari hubaysan ayaa shalay degmada Boosaaso ku dilay taliyihi ciidanka garoonka diyaaradaha Boosaaso, Col. Xasan Shire Amaan, waxaana la dilay xilli uu shaqada soo galayay, isaga oo ku sugnaa albaabka hore ee laga galo garoonkaas.
Taliyaha qaybta Booliska gobolka Bari Cabdixakiin Xuseen Yuusuf ayaa sheegay in Askariga dilka gaystay maalmo ka hor la ruqseeyay, isla markaana ay socdaan baadhitaano dheeri ah oo la xidhiidha waxyaabaha ku kalifay shirqoolkan.
“Waxaan geerida ku timid taliyaha uga tacsiyaynayaa ehelkiisa iyo dhammaan ciiadmada Puntland, waxaa dilkiisa fuliyay askari kamid ahaa ilaalada garoonka diyaaradaha oo uu shaqada ka eryay maalin dhaweyd,“ ayuu yidhi Cabdiraxiim oo la hadlay warbaahinta gudaha. “Askariga dilka gaystay waa uu baxsday balse ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka gobolka Bari ayaa ku mashquulsan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen,” ayuu mar kale yidhi taliyaha oo xusay in marxuumka la dilay aanay la socon wax ilaalo ah markii la tooganayay
Marxuum Xasan Shire Amaan ayaa xilkan soo hayay tan iyo dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Cabdulaahi Yuusuf Axmed, waxaana qaar ka mid ah dadkii la soo shaqeeyay ay sheegeen in uu ahaa Nin afgaaban oo cibaado badan.
Ugu dambeyn, dilkan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso uu gaba-gabo ku dhow-yahay dhismihiisu.