WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland November 13, 2016 (Saxafi) – Mujaahid Cali Maxamed Yusuf (Cali Gurey) ayaa sharaxay sababta uu uga leexdahay Garabkii Jaamal Cali Xuseen oo uu ku tilmaamay in laga gar daran yahay oo laga hiiliyey, basle ugu dambayntii ay kala hadheen, isagoo xusay inuu u ducaynayo.

Mujaahid Cali Maxamed Yusuf (Cali Gurey) oo warbaahinta kula hadlayey magalada Hargeysa ayaa eedaymo culus usoo jeediyey gudoomiyaha ahna musharaxa Jagada Madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ee UCID eng Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe) oo uu ku sifeeyey in uu yahay qof aan damiir lahayn.

Cali Gurey oo faahfaahin ka hadlaya xaaladda xisbiga UCID, sababta uu uga leexday Jamaal iyo cidda uu doorashadda u codeyn doonno, waxaanu yidhi  “Sadex xisbi baynu ku geli jirnay doorashooyinka, doorashadan haddii allaah yidhaa ee soo socota sadex xisbi maaha. Xisbi wuu dhintay anigu cid kale eeda saari maayo, wuxu ku dhintay gacanta Faysal Cali Waraabe. Faysal Cali maanta maaha gudoomiye, musharaxna maaha waxa weeyi qof kelidii halkaa taagan, kuwii hore ee ka tegay waa kuwa WADANI noqday aad ogtihiin halka ay marayaan oo isaga ka horeeya. Kuwii usoo gurmaday waxa uu ku sameeyey isgana waad ogtihiin, qof bina aadmi ah oo abaal loo galo oo wax la taro oo Faysal oo kale ahi kolay aniga nooloshayda imuu soo marin. dadka wixii aanu siyaasada ku kulanay..” ayuu yidhi , waxaana uu intaas ku daray “Ninka xisbigii dhamaa ee UCID ee aynu la rabnay in uu noqdo xisbul xaakimkana halkaas ayuu ku dhintay. Aniguna nin mayd dulfadhiista ama go’aankiisu labac labac noqdo ma ihi, hadaan siyaasada ku sii jiraayo halka aan marayo waan garanayaa.”

SomlegalAds

Dadka wixii iga go’aan qaatana waan ogahay oo waanu wada hadalnay, laakiin waxaad ogtahay in aanu Jaamal kala baydhnay waanan u ducaynayaa, waliba in laga gar daran yahay oo lala dagaalamay oo laga hiiliyey oo musharaxnimadiisa la burburiyey waan u qirayaa, laakiin galaddu kuma jirto in aad mar keliya kufin, galadu waxa ay ku jirtaa marka aad kufto in aad kici karto. Waxa aan aad uga xumahay Jaamal wuu kufay, laakiin sida uu imika u muuqdo nin soo kacayaba maaha. Waa nin dhalinyaro ah oo da’yar haddii maalinta aad kufto aad dhulka galgalato, waxa ay noqoneysaa arrinkaagu in maalin walba qiimahagu hoos u dhaco. Siyaasada waa la iskaga bixi kara oo xusbi raac anigu kuma lihi, aniguba xisbi ma galayo marmarsiintii aan beryahan raadinayey ayuu I siiyey Jamaal ee aan kaga bixi lahaa. Anigu hal cod baan leeyahay muwaadin baan ahay, halkaa codna Muuse Biixi baan siinaya oo anigu qarin maayo.”

Mar su’aal ay warbaahintu waydiisay oo la xidhiidha qoraal uu ku baahiyey barta bulshadu ku kulanto ee Facebuuga oo uu kaga hadlayey in kulan ay la qaateen isaga iyo Jaamal Cali Xuseen gudoomiyaha xisbul xaakinta ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi waxyaabaha ay ka wada hadleen sharaxaad inuu ka siiyo ayaa kaga jawaaabay “Arrinta in aan faahfaahiyo Jaamal muu jeclaysa, inkastoo aan anigu u arkayey talaabo wanaagsan oo loo baahday, xoolahaagu waxa la yidhi xero ha kuugu jiraan ama xeer hakuugu jiraan. Lix bilood ka hor baan Jaamal u sheegay meeshan waxa ka soo socda” Ayuu yidhi. “Jaamal talada uu goostaba waan ugu ducaynayaa, haddii uu Waddani uu tago intaba waan ugu duceynaya, way jirtay isagaa iilaa yimid ninkii la socday ee marka uu imanayey la socday nin UCID ah ayuu ahaa oo shirkan kale ayuu joogay ee Faysal qabtay ninkii isaga la socday ee uu aaminay aniga 3 todobaad marnaba imuu soo sheegin. Markii aan ku raacay Muuse ayaanu aragnay, sidaa aan idiin sheegayo isna uu idin sheegay bay u wada hadleen arrinka wax ka soo noqoneyey may jirin. Shirkii labaad ay qabanayeen, anigu labada shir midna sharci uma arag. Kan ay igu yidhaahdeen noogu kaalay ee ay Jaamal iyo ay qabteen ee loo diiday iyo shirka Faysal Cali uu bakhtigii UCID ku qalanayey labadaba midna sharci umaan arkayn.” Ayuu raaciyay.

Waxaa uu sheegay inuu sharci u arakayay shirkii Maxkamadda sare oo uu sheegay in aan la qaban.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.