WorldRemitAds
Muqdisho, Somalia, February 15, 2016, (Saxafi) – Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxmuud oo ka Hadlayay shalay Shir ka socda Magaalada Munich ee Dalka Jarmalka ayaa sheegay in dagaal-yahannada kooxda Boko Haram lagu tababaro gudaha dalka Soomaaliya, ka hor inta aanay  dagaalladooda ka billaabin Nigeria.

Xasan Sheekh ayaa hadal uu shirka ka jeediyay ku sheegay in Somalia ay dagaal adag kula jirto Musuq-maasuqa iyo Al-shabaab, uuna haatan Dalaasi Sameynayo horumarr dhinacyo badan ah, sida inay abuureen maamulka maaliyadda dalka. “Haddii aanay Soomaaliya xasilin, dalalka gobolka oo dhan iyo kuwa Afrika waxay ku jiri doonaan xasillooni-darro. Waayo waxaa jira caddeymo la hayo oo sheegay in qaar ka mid ah dagaal-yahannada Kooxda Boko Haram lagu Tababbaro Somalia, markaas kaddibna dib loogu celiyo Nigeria,” ayuu yidhi Madaxweyne Xasan. Waxaana uu intaas ku daray,  “Kooxaha argagaxisada ah waxaa ka dhexeeya xidhiidh adag iyo iskaashi mug weyn, sidaa awgeed innaguna waxaan ka doonaynaa inay Caalamku iskaashi nala sameeyaan si argagaxisada loo jabiyo.”
Dhanka kale, Hadalka Madaxweyne Xasan ayaan caddeyn inuu ula jeedo in Al-shabaab ay tababarto xoogagga Boko Haram iyo in kale, Maadaama Kooxda Boko Haram ay Xidhiidh la leedahay ISIS, halka Al-shabaab ay kasoo Horjeedo Daacish oo ka Dagaallanta Ciraaq iyo Suuriya.
Ugu dambeyn, Al-shabaab oo xiriir la leh Ururka Al-Qaacida ayaa Muddo Sannado ah la dagaallamaysay Dowladda Somalia si ay xukunka uga tuurto, si ay dalka ugu soo rogto ku dhaqanka shareecada Islaamka, balse sannadihii lasoo dhafaay ayaa kooxda laga qabsaday dhul ballaaran oo ay awood ku lahayd.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.