WorldRemitAds

Ankara, Turkey, December 20, 2016 (Saxafi) – Safiirkii dawladda Ruushka u fadhiyay caasimadda dalka Turkiga ee Ankara, ayaa xalay caweysinkii dil toogasho ah lagu dilay.

Safiirka Ruushka ah oo magaciisa la odhan jiray Andrey Karlov, ayaa waxaa bastoolad ku toogtay nin da’diisa lagu sheegay 22 jir, kaas oo ay wararka qaar tibaaxeen inuu Bileyska Turkiga ka tirsanaa balse uu fasax ku maqnaa.

Safiirka Ruushka ayaa la toogtay wakhti uu khudbad ka jeedinayay carwo ganacsatada dalkiisu ku soo bandhigayeen Farshaxanka ay sameeyaan oo lagu qabtay Ankara, waxaana isla goobta isna lagu dilay ninka falkan fuliyay oo ku hubaysnaa bastoolad, isla markaana ku dhawaaqayay markii dilka fulinayey ereyo muujinayey cadho ka dhalatay dagaalka ka socda Suuriya, gaar ahaan magaalada Xalab oo ay ciidamada Ruushku duqeymo ka geystaan iyagoo taageeraya xukuumadda Bashaar Al-Asad.

SomlegalAds

https://youtu.be/LtFJYLcISrI

Arrintan ayaa ku soo beegmay wakhti ay u balansanaayeen dalalka Ruushka, Iiraan iyo Turkiga kulan lagaga arrinsanayo xaaladda dagaal ee ka aloosan Suuriya.

Dalalka Turkiga iyo Ruushka ayaa hore isugu maandhaafay diyaarad dagaal oo dalka Ruushku lahaa oo ciidamada difaaca cirka Turkigu soo riddeen, hase yeeshee labada dal ayaa u muuqday kuwo ka heshiiyay arrintaas oo isku soo dhowaanaya intii ka dambaysay inqilaabkii dhicisoobay ee la doonayey in xilka lagaga tuuro Madaxweynaha Turkiga taas oo ay dawladda Ruushku si toos ah isku barbar taagtay dawladda Turkiga, halka dawladaha reer galbeedkana lagu eedaynayey inay inqilaabkaas taageerayeen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.