WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, February 11, 2016 (Saxafi) – Shir ay iskugu yimaadeen guddida doorashooyinka qaranka, xukuumadda iyo saddexda xisbi ayaa lagu gorfeeyay sidii deegaanadda gobolada qaarkood ku muransan yihiin loo siin lahaa xaquuqdoodda dastuuriga ah, isla markaana kaadhadhka muwaaadinimo u heli lahaayeen.

Kulankan saddex geesoodka ah waxa shirgudoominayey Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Md:Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, waxaanay ujeedadiisu ahayd sidii xal looga gaadhi lahaa goobo aanay doorasho iyo diiwaan galin ka qabsoomin dooraashooyinkii kala duwanaa ee dalka ka dhacay, halkaas oo ay ku waayi jireen xuquuqdoodi dastuuriga ahayd ee qeexaysay in ay wax doortaan iyagana la dooran karo.
Goobaha aanay inta badan doorashooyinku ka dhici jirin, khilaaf ka jira goboladda ay raacayaan awgeed ayaanay doorasho uga dhaceen, waxaana tuulooyinkan isku haysta goboladda kala ah Awdal, Maroodi jeex iyo Saaxil, kuwaas oo mid waliba sheegto inay iyaga ka tirsan yahay taasina waxay keentay in la hakiyo inay doorashooyinka ka dhacaan.
Tuulooyinkaasi aanay doorasho ka dhici jirin waxay kala ahaayeen Hulka, Cabdi Geedi, Ceel Sheekh, Ceel la Helay, Bil-dhaalay iyo Damasha, waxaa ilaa imika jira khilaaf ka taagan dhinaca xuduudaha oo goboladani isku haysan jireen, taasina waxay keentay inay waayaan xuquuqdaas dastuuriga ahayd ee inay wax doortaan lana doorto.
Waxaanay masuuliyiintii kulankan ka soo qayb-gallay isla qaateen in marka hore la diiwaangaliyo, iyagoo xusay in ay lagama maarmaan tahay in la diiwaangaliyo muwaadiniinta goobtaas ku nool.
Gabagabadii kulanka ayaa lagu soo afmeeray in ay Wassaarada Arrimaha Gudaha iyo Komishanka Dooraashooyinka qaranku wada jir ugu dhaqaaqaan go’aamadii kulankaas laga soo saaray kuwaas oo noqon doona kuwo ilaaliya xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta deegamadaas ku dhaqan.
Deegaanadda xuduudka goboladu isku hayaan ayaanay ka dhicin wax doorasho ahi, isla markaana muddo dheer laga xayirey, ilaa inta xuduudaha goboladda xeerkooddii la soo saarayo ama ismaamulka goboladda la kala cadeynayo.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.