WorldRemitAds

Amsterdam, Holland, November 29, 2015 (Saxafi) – Soomaali: Bishii January sannadkii 2014 ayaa ciidamada militariga dalka Maraykanku ay weerar ku qaadeen wefti gaadiid tiro badan wata oo uu saarnaa hogaamiyihii hore ee kooxda Al shabaab Axmed Godane iyo saraakiil kale sida telefishanka CNN uu baahiyey, waxana ujeedada weerarkaasi uu ahaa hogaamiyaha kooxdaas oo ka badbaaday weerarkaas, hase yeeshee weerarkaasi waxa ku geeriyooday dad reer guuraa ah oo caruurtoodii iyo xoolihiiba meesha ku idlaadeen, waxaanay tilmaameen in dadkaasi la laayey aanay sheegin warbaahinta reer galbeedka iyo dawladda Maraykanku.

Dadkan reer guuriga ah ee diyaaradda Drone ku dishay miyiga Soomaaliya ayaa la sheegay inay ahaayeen laba caruur ah oo hablo ahaa oo ku geeriyoodey weerarkaasi, waxaana ku dhaawacmay ninkii qoyska reer Guuraaga ah oo labada lugood go’een, sidoo kale xoolo badan ayaa ku dhintay weerarkaasi ay qaadeen diyaaradahaasi taas oo khasaare badan soo gaadhsiiyey.

Waa markii ugu horeysay ee dhibanayaal dhibaatooyin ka soo gaadheen weerarada diyaaradaha bila duuliyaha ah ee Maraykanku ku weeraray Soomaaliya dacwad looga furto maxkamadaha ku yaala dalka Holland.

SomlegalAds

Waxaanay ku doodeen in dawladda Hollond kiiskan la wadaagto maadaama oo xogo iyo siro isgaadhsiineed oo xaga codadka Soomaalidda ah ay u dirtay dawladda Maraykanka.

Dokumentiyada uu baahiyey Edward Snowden oo hore heshiis qandaraas ugula jirey wakaalada basaasnimo ee NSA ayaa cadeynaya qaabka sirdoonka Holland dhexda ugu galaan xidhiidhada kala duwan ee Isgaadhsiinta iyo inay kaalin muhiim ka ciyaaraan hawlgalada sirdoonka ee qarsoon ee ay ciiddamada Maraykanku ka fuliyaan gudaha dalka Soomaaliya.

Militariga Holland qaybtooda sirdoonka oo loo yaqaan MIVD ayaa mallaayiin xidhiidhada telefoonadda iyo farriimaha qoraalka ah ee loo soo dirayo Soomaalidda xogtooda kaydineysay sannadadii uu dambeeyey, iyagoo adeegsaneysa dayax gacmeedka, waxaana xarunta xogtan lagu hayaa ku taalaa degmada magaalada Burum ee gobolka Friesland dalka Holland. “Hawlgalada weerarada Drone ka waxa la ogolyahay haddii aanay jirin dhibanayaal aan waxba galabsan aaggaas, laakiin, waxa iska cad in weerarada drones-ka aan si masuuliyadeed ah loo maamulin, islamarkana xil la iska saarin daryeel kiisa” ayuu yidhi garyaaqan Goran Sluiter oo u dhashay dalka Holland kana mid ah garyaqaanada dhibanayaasha Soomaalida ah.

Soomaali Maxkamad Ka Dacweeyay Daladaha Maraykanka Iyo Holland Oo Iska Kaashada Weerarada Diyaaradaha Drone-kaWaxaana hawlgaladan ay hoos yimaadaan mashruuca la dagaalanka budhcad badeeda ee loo yaqaano Ocean Shiled, oo ay dowladda Holland ka mid tahay dalalka ku bahoobay. Qaybteeda xidhiidhka isgaadhsiinta oo loo yaqaano Meta data oo ah barnaamiij cidii number telefoon kale gaaraacda iyo mudada lagu hadlay telefoonkaasba u gudbiya hay’adaha sirdoonka Maraykanka. Sababtuna waxaa ay tahay in ciiddamada Maraykanku aanay xog badan oo saamayn leh ka hayn dalka Soomaaliya, laakiin, wakaalada basaasnimo ee NSA ayaa waxaa ay xogo kala duwan ka heshaa sida warku sheegay hay’ada sirdoonka MIVD iyo ciiddamada militariga Holland, xogtaas oo badankeedu ah sir, islamarkaana ay u adeegsadaan qalabka teknoolijiyada casriga ah ee lagu dhegaysto telefoonada iyo isgaadhsiinta maraakiibta ee ku sugan xeebta Soomaaliya.

Dokumentiyo lagu baahiyey shabakada la yidhaa The Intercept ayaa daaha ka qaaday in ka badan %50 kiisaska ay Maraykanku ku doortaan goobaha bartilmaameedsan ee dalalka Yemen iyo Soomaaliya ay ku salaysan tahay xogta ay ka helaan Meta data, sidoo kalena xogta isgaadhsiineed ee ay ka dhex helaan ururada ajaanibka ahi ay qayb muhiim ah ka ciyaarto hawlgaladda. Waxaa kale oo jirta sida ay muujinayaan dokumentiyada inay laamaha sirdoonku signalada cida la daba jooga badankiisa ka helaan dalalka xidhiidhka dhow ay leeyihiin. “Marka ay xogta isgaadhsineed ay bixinayaan, dawladda Holland waxa ay taageeraysaa weerarada Maraykanku ay qaadaan oo aan ilaa xad la caymin heerka ay gaadhsiisantahay. Waxa intaa dheer; haddaanay tageerada Hollandiisku siin, in aanay awoodi karin Maraykanku inay helaan barnaamij ay ku hawl-galiyaan diyaaradaha bilaa duuliyaha ah ee Drone-ka oo aanay fulliyeen weerarada aagaas (SOMALIA) ay ka geystaan” Sidaana waxa yidhi Mr. Sluiter oo ka mid ah garyaaqaanada u doodaya dhibanayaasha Soomaalida ah.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.